
Sabti, May, 26, 2018 (HOL) -Xaalad degenaasho laakiin aan cago badan ku taagneyn ayaa ka jirta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo maalin ka hor dagaal culus uu ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland.
Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay deegaanka gaaraan wafdi ka socda Somaliland oo la sheegay in ay u kuurgali doonaan xaalada deegaanka, iyaga oo dhinaca kalana la kulmi doona saraakiisha ciidamada halkaa ku sugan.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafuud ka socda beesha caalamka la filayo in ay tagaan gobolka kuwaa oo la sheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan guud ahaanba xaalada gobolka.
Beesha caalamka ayaa horeyba ugu baaqday in la joojiyo dagaalka Tukaraq, waxaana ay ka dalbadeen dhinacyada dagaalamaya inay gaaraan heshiis xabad joojin shuruud la’aan ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]