Ciidamada xasilinta oo gacanta ku dhigay hub sharci darro ah iyo raggii watay



Sabti, May, 26, 2018(HOL)–Howlgallo ay ciidamada xasilinta caasimadda ka sameeyeen qeybo ka tirsan degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir ayay kusoo qabqabteen hub sharci darro loogu heystay qeybo ka tirsan degmadaasi iyo raggii watay.

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Max’ed C/laahi Tuulax iyo gudoomiyaha degmada Warta Nabadda iyo saraakiil ciidan ayaa ku sugnaa saldhigga degmada Warta-Nabadda oo lagu soo bandhigay hubka ay ciidamadu soo qabteen iyo ragga eedeeysaneyaasha ah.

Seynab Max’uud Warsame Xaabseey, Gudoomiyaha degmada Warta-Nabadda ayaa sheegtay in raggan eedeeysaneyaasha ah iyo hubkaba ay ciidamadu kasoo qabteen xaafadda Xamar Bile, ayadoo uga mahadcelisay cidamada dadaalladooda lagu xaqiijinayo nabadgelyada.

Waxa ay sheegtay in laba nin oo hubeysnaa mid kamid ah ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, midka kalena uu hubka tuuray, kadibna cararay kaasoo ay xustay in ay ciidamadu ku daba joogaan.

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Max’ed C/laahi Tuullax ayaa ciidamada uga mahadceliyay dadaallada ay wadaan, isagoo ku booriyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda lagu sugayo amniga.

Ciidamada xasilinta gobolka Banaadir ayaa degmooyinka gobolka Banaadir ka fuliya howlgallo habeen iyo maalin ah oo lagu sugayo nabadgelyada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.