Saraakiil Boolis oo ka mid noqon doonta AMISOM oo Imtixaanaad looga qaadayo Uganda




Sabti, May, 26, 2018 (HOL)–326 Sarkaal oo ka tirsan Booliska Uganda ayaa u fariistay imxitaanaad laga qaadayo saraakiil ka mid noqon doonta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya.

Imtixaanaadkan ayaa waxaa qaadaya saraakiil ka socotay Midowga Afrika.

Sida laga soo xigtay Grace Turyagumanawe, Agaasimaha howlgalka taageeridda nabadda ee Booliska Uganda, Saraakiisha ku guuleysata ayaa loo qaadi doonaa Soomaaliya si ay uga qeyb-galaan howgallada nabad ilaalinta.

“Maanta waxaan imtixaan ka qaadeeynaa 326 Sarkaal oo Boolis ah oo ka socda Booliska Uganda, waxay mari doonaan imtixaanaad looga qaadayo howlgalka taageerada nabadda, taa oo ay fulinayaan saraakiil ka tirsan midowga Africa oo ka yimid Adisababa, Imtixaanaadkaasi waxay u diyaarin doonaan in loo qaado Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howlgalka AMISOM,” ayuu yiri Turyagumanawe.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in saraakiishan ay ku caawin doonaan Soomaaliya sidii ay xasilooni u heli lahayd, isagoo xusay in marka ay soo laabtaan ay wadankooda dib ugu soo celin doonaan waaya-aragnimadooda, sidoo kalena qarashaadka la siin doono ay wax badan ka caawin doonaan.

Saraakiisha ayaa laga qaaday tijaabooyin afka ah iyo fahamkooda Luqadda Ingiriiska iyo qorista warbixinnada.

Uganda ayaa kamid ah ilaa lix dal oo Soomaaliya usoo diray ciidamo, si ay uga qeyb-qaataan howlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.