Injineeradii dhismaha dekedda Garacad oo deegaanka gaaray


Isniin, November, 19, 2018 (HOL)–  Injineero u dhashay dalka Turkiga ayaa maanta gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug,halkaas oo markii ugu horreysay ay ka billaabanayso dhismaha deked.

newsinsideDekedda Garacad oo howsha dhismaheeda ay muddo socotay ayaa lagu wadaa dabayaaqadda toddobaadkan in si rasmi ah loo billaabo dhismaheeda, dekedda waxa ay ku dhismeysa isku tashi bulsho, sida ay sheegeen guddiga dhismaha dekedda.

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo TTN ,ayaa ku guulaysatay tartankii qandaraaska waxayna hadda bilowday in ay qalabkeedii uu daabusho Garacad.

Guddiga ku howlan dhismaha dekedda ayaa rajo wanagsan ka muujiyay dhismaha dekedda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]