4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2018
Xog-hayihii Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka oo is casilay

 

Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)– Xoghayihii joogtada Wasaarradda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamed Cumar Macalin ayaa sheegay in uu is casilay sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay daruufo adag oo dhinaca shaqada ah oo la soo darsay

Xoghayaha ayaa warqadihiisa is casilaada ku sheegay in ay soo wajaheen daruufo adag shaqada ah kaddib markii sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Wasaaradda Xamza Saciid Xamse isku fahmi waayeen shaqada wasaaradda.

Sidoo kale waxaa la leeyahay is casilaada xoghayaha ayaa salka ku heysan kiis dhowaan ka dhacay wasaaradda oo lagu xiray Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib-u-Dejinta Barakacayaasha oo haatan ku jira xabsi kadib markii dawladda Soomaaliya ku eedaysay “xatooyo xoolo dadweyne” sida lagu baahiyey warbaahinta rasmiga ah ee dawladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]