4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2018
Minnesota – Jaaliyadaha Qowmiyadaha Soomalida iyo Oromada oo baaq nabadeed jeediyay,SAWIRO & VIDEO

Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) -Iyadoo bilihii ugu danbeeyayba ay dhacayeen dagaalo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya labada Qowmiyadood ee Oromada iyo Soomaalida wada dega dalka Itoobiya oo ay ku naf-waayeen Boqolaal dad ah oo ka kala tirsan labada dhinac, ayaa waxaa baaq nabadeed oo arrintaa la xiriira diray markii ugu horeysay Jaaliydaha labada dhinac ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen Masjidka Abuubakar Assidiiq ee magaalada Minneapolis waxaa ay ku cambaareeyeen dagaallada ka socda dhulka Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.

Culima’udiinka, Wax-garadka iyo Ganacsatada ka soo jeeda labada Jaaliyadood ayaa ku baaqay in si dhaqse ah loo joojiyo dagaallada, iyaga oo ugu baaqay dowladda dhexe ee Itoobiya in ay soo afjarto dagaallada ku sii fidaya deegaannada labada Qowmiyadood wada degaan.

Gaar ahaa waxaa shirkan jaraa’id baaq hoose loogu diray ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo laga codsaday in dwladdiisu sugto amanka dadka sida gardarada ah loo leynayo ee aan wax-ba galabsan.

Waa markii ugu horeysay oo wada jir meel kaliya shir jara’id ku wada qabtaan Jaaliyadaha ka soo jeeda Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ka dhan ah dagaallada labada dhinac ku dhaxmaraya gudaha dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]