4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2018
Shiinaha oo sheegay in ay xoojinayaan xiriirka Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya

 

Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) – Danjiraah Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay xiriirka diplomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheere oo saaxiibti-nimo ku dhisan.

Danjiraha ayaa balanqaaday in uu ka shaqeyn-doono sidii dowladda Shiinaha ay u sii xoojin lahayd mashariicda horumarineed oo ay ka waddo Soomaaliya, xili uu booqasho ku yimid wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,oo uu kula kulmay wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele iyo mas’uuliyiin kale.

Qin Jian Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo kulan ay wadda qaateen Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaaradda ayaa isla soo qaaday arrimo badan oo ay kamid tahay sidda loo xoojin karo wada-shaqeynta Wasaaaradaha Warfaafinta ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Jian ayaa sharaxaad ka bixiyay  dareen-kiisa ku aadan in uu ka shaqeeyo Soomaaliya iyo sidoo kale booqashadiisa xarunta wasaaradda.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya waxaana lagu xusuustaa mashaariic horumarineed oo badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]