Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle oo Kismaayo Gaaray iyo madaxda Puntland oo la sugayo
Axad, October, 8, 2017 (HOL) – Waxaa goordhow magaalada Kismaayo soo gaaray madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, ayadoo la filayo in saacadaha nagu soo aadan uu magaalada Kismaayo soo gaaro wafdi ka socda dowlad goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Max'ed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana halkaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam, kuxigeenkiisa iyo xubno ka tirsan baarlamanka dalka.
Sidoo kale waxaa garoonka Kismaayo ku sugan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubaland iyo qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Jubaland, kuwaa oo ka qeybqaadanaya soo dhaweynta madaxda.
Waxaa magaalada Kismaayo hore ugu sii sugnaa wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maalin ka hor soo gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland C/weli Max'ed Cali Gaas ayaa la filayaa in goordhow ay kasoo dagaan garoonka diyaaradah Kismaayo.
Filo Sawirro iyo warbixin faahfaahsan oo ku aadan wufuudda Kismaayo soo gaaray.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Koobka Caga-yaraha : Xulka Kubad-da Cagta Brazil oo si dirqi uga badiyay xulka Somalia
- Al-shabaab oo la sheegay in ay dileen Nin badeeco u siday degmada Waajid
- Dufcadii ugu horeysay ardey ka qalinjabisay Jaamacada Jobkey fareecada magaalada Jowhar
- Xildhibaanno lagu weeraray magaalada Jowhar
- Doorashadii Somaliland oo soo dhowaatay iyo Laba beelood oo waaweyn oo shir u socday go’aamo ka soo saaray
- DAAWO: Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo ka hadlaya Shirka ka furmi doona Kismaayo
- Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo dhammaan ku sugan Kismaayo [Sawirro]
- Xafiiska Somaliland ku leedahay Addis Ababa oo xalay dab qabsaday iyo sababta oo wali la ogaan
- Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan la qaatay guddiyada dib-u-eegista dastuurka
- Jubbaland: Shirka Kismaayo wuu furmayaa mana jirto sabab uu u baaqan karo
- Khilaaf soo kala dhaxgalay madaxda dowlad gobolleedka Puntland
- Weerar Bam loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday saldhigyo ciidan magaalada Muqdisho
- Kenya oo sheegtay in ay dishay rag ay siweyn ugu raad joogeen
- Shirweynaha Qaran ee dib-u-eegista dastuurka oo dib u dhac ku yimid


