4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 8 , 2017
Khilaaf soo kala dhaxgalay madaxda dowlad gobolleedka Puntland

 

Axad, October, 08, 2017 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Camey.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas oo todobaadkii hore wareysi siiyay VOA ayaa taageeray shirka Kismaayo ay ku yeelanayaan maamul gobolleedyada dalka, isaga oo sheegay in uu yahay shir wadatashi ah islamarkaana Puntland diyaar u tahay in ay ka qeybgasho.

Laakiin dhinaca kale waxaa shirkaa ku gacan seyray madaxweyne ku–xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Camey oo sheegay shirkaasi wax faa’iido ah u laheyn bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana haddii  ay jirto tabasho laga qabo dowladda dhexe loo baahan yahay in toos ah loo hor fariisto.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhinaca kale  maalintii shalay dib u howlgaliyay taliyaha ciidamada booliiska Puntland Jen Erag oo horay uu shaqada uga fadhiisiyay madaxweyne ku-xigeenka xili Gaas uu dalka dibada uga maqnaa.

Arrimahan oo dhan ayaa marka aad eegto muujinaya saameynta maamul gobolleedyada ka dhisan Soomaaliya ay ku yeelatay taageerada qaarkood ay u muujiyeen go’aanka xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah Qatar oo ay ku sii kala qeybsameen madaxda dowlad gobolleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]