Maxkamada Garowe oo xukuntey dhallinyaro burcadmino lagu soo eedeeyey

Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukuntay dhallinyaro lagu soo eedeeyey burcadnimo iyo inay habeenkii falal ammaanka liddi ku ah ka geysan jireen magalaada Garowe.

Guddoomiyaha Maxkamada Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in dhallinyaradan lagu soo qabtey hawgal boolisku sameeyeen saddexdii habeen ee ugu dambeeyey iyagoo faraha kula jira falal isugu jira xatooyo iyo khal khal gelinta amniga.

Sidaas darteed, Guddoomiyaha Maxakamaddu wuxuu sheegay in lagu kala xukumay xabsi mudadiisu tahay inta u dhexeysa lix bilood ilaa labo sano iyo weliba ganaax lacageed.

Dhanka kale, Taliyaha qaybta booliska Nugaal ayaa soo dhoweeyey xukunka maxkamadda isagoo sheegay inuu digniin u yahay dhallinyarada kale ee weli ku hawlan dhibaateynta shacabka ee habeenkii dadka moobillada ka furta.

Maxkamada ayaa dib u dhigtey xukunka eedaysaneyaal kale oo loo soo qabtey dembiyo la xiriira isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha khamriga.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya