
Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in dastuurka dalka u yaalla aanu ahayn mid KMG, balse ansixintiisa ay tahay mid KMG ah, isagoo sheegay in dad badan ay oo bulshada ka mid ah ay wax badan isaga qal-dan yihiin.
Jawaari oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo ahaa in dastuurka uu yahay KMG iyo in kale ayuu wuxuu ku jawaabay, inuusan ahayn dastuurka dalka mid KMG ah.
“Dastuurka u yaalla dalka ma ahan mid KMG, balse ansixintii ay ergooyinka ansixiyeen ayaa ah KMG, marka dadka wax badan ayaa isaga qaldan, taasoo ah in dastuurku uu yahay mid KMG ah,” ayuu yiri Jawaari.
Marka laga helayo dastuurka dalka ayaa waxaa lagu sheegayaa inuu yahay mid KMG ah, balse afhayeenka baarlmaanka ayaa gaashaanka u daruutay taas maanta, iyadoo dowladda laga sugayo inay afti dadweyne u qaaddo dastuurka inta aan la gaarin sannadka 2016-ka oo ay doorashooyin dalka ka dhici doonaan sida ay sheegeen madaxda dalka.
Sanadkan 2015-ka ayaa waxay dowladdu u qabtay inuu yahay sannadka cod loo qaadi doono dastuurka dalka, taasoo u baahan baahan tahay in shacabka ay qayb ka qaataan xaqiijinta amniga dalka, si ay afti u qaadista dastuurka u suuro-gasho.
Madaxweynaha Somalia ayaa horay u sheegay in dalka ay gaarsiinayaan doorasho xor ah sannadka 2016-ka oo ah xilliga uu waqtiga ugu eg yahay dowladda hadda shaqeynaysa.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya