Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Qayb-galaya shirka ururka Midowga Afrika


Khamiis, Janaayo 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka gaaray magaalada Addsi Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shirka hoggaamiyeyaasha Afrika oo dhacaya 30-ka illaa 31-ka Jannaayo.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah madax sare oo dowladda FS ka tirsan, iyadoo la filayo inuu kulammo gooni-gooni ah la qaato xubno ka tirsan madaxda Afrika iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon oo isaguna shirka kasoo qaybgalay.

Sidoo kale, shir madaxeedkii wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgalay, wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle.

Ka-qaybgalka shirkan uu ka-qaybgalayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kusoo beegmaya iyadoo habeen ka hor uu ku dhawaaqay golaha wasiirrada cusub ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn, shir madaxeedka ururka Midowga Afrika oo Itoobiya ka dhici doona ayaa la filayaa in lagu lafa-guro arrimo badan oo Qaaradda Afrika khuseeya, gaar ahaan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya