4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Codbixinta oo Xaafadda Islii ee Nairobi si deggen uga socota iyo Dadweynaha oo ka Cabanaya Safafka Dhaadheer (SAWIRRO)

ISLII3 .jpg


Isniin, March 04, 2013 (HOL) - Xaafada Islii oo ah goob ay ku yaallaan ganacsiyada waawayn ee Soomaalidu ay ku leedahay Nairobi ayaa si habsami leh ay u socotaa codbixintu.

Iyadoo guud ahaanba dalka Kenya ay soconayso doorashadu ayaa haddana Islii ay Soomaalidu galeen safaf dhaadheer si ay u codeeyaan.

Dadweynaha ayaa sheegay in qaabka codbixintu uu yahay mid lagu daalayo dadkuna ay taaganyihiin safafka saacado dheer iyadoo qorraxduna ay kulushahay, balse ay ka go’antahay inay codkooda dhiibtaan.

“Waxaan xaqiijinayaa inaan ka qayb qaato horumarka, anigoo doonaya inaan codkayga siiyo hogaamiyaha aan u arko inuu horumar gaarsiinayo Kenya” ayay tiri Faadumo Maxamed Nuur oo kamid ah dadweynihii halkaas ka codaynayay.

ISLII4 .jpg

C/laahi  Macallin Cali ayaa aaminsan in doorashadan manta ka dhacaysa Kenya ay noqon doonto mid go’aan looga gaaro halka uu u jihaysanayo muqtaqbalka dalkan.

“Hadii aan codkeena u dhiibanno si xor ah oo nabadgalyo ku jirto, aysan dhicinna wixii dhacay doorashadii hore, waxaa soo noqonaysa kalsoonidii uu caalamku ku qabay hannaanka dimuqraadiyada ee dalkan” ayuu yiri isagoo la hadlayay Hiiraan Online.

Dadweynaha qaarkood oo magaalada gudaheeda dhex marayay ayaa ii sheegay inay soo codayn doonaan saacadaha dambe marka ay kala yaraadaan safafku.

"Hadda safafka waa dheeryihiin, markii ay kala yaraadaan ayaan soo codaynayaa" ayuu yiri Caamir Maxamed oo kamid ah dadka doonaya inay codeeyaan.

Soomaalida ku dhaqan deegaanka Kamakunji ee isu diwaan galisay doorashada ayaa gaaraysa 27,000 oo qof .

Waxaana la filayaa in codaynta ay socoto ilaa 6-da galabnimo, walow gudiga doorashadu ay sheegeen in wakhtiga la kordhin doono hadii laga gaari waayo in lagu soo gabagabeeyo wakhtiga loo qabtay.

ISLII2 .jpg
ISLII .jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya