4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal oo laga furay Hoteel cusub oo loogu magac-daray Ramada (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) —Hotel casri ah ayaa maanta laga hirgaliyay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana furintaankii hoteelkan oo lagu magcaaabo Ramada ka qaybgalay dadweynaha degmada, waxgarad iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Xaafadda Sheekh Cali Jowhar oo ku taalla dhinaca waqooyi ee Booarme ayaa laga furay hoteelkan, iyadoo xaafadda laga hirgeliyay hoteelkan ay xilliyadii ugu dambeyay ka socdeen horumarro dhinaca dhismaha ah.

Furitaanka aya waxaa ugu horreyn ka hadlay xoghayaha degmada Boorame, Cabdi Xaashi Xamari isagoo sheegay in hoteelkan cusub uu sare u qaadayo bilicda magaalada, uuna ka mid noqonayo hoteello horay uga jiray degmada.

Suldaanka gobollada Awdal, Salal iyo Galbeedka Gabilay oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in loo baahan yahay himilooyinkan noocan oo kale ah, ayna muhiimad gaar ah u leedahay dadka ku nool xaafadda Sheekh Clai Jowhar,  loona baahan yahay in halkaas laga wado wixii dadweynuhu ku hamiyaan. Sidoo kale, suldaanku wuxuu sheegay in shacabku markii ay doonaan inay xaflad qabsadaan ay ku qabsadaan hoolka shirarka ee hoteel Ramada, kaasoo uu sheegay inay heli doonaan wax walba oo ay u baahan yihiin.

Xafladda ka dhacday madasha ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan ka socday golaha deegaanka degmada Boorame, isagoo ballanqaaday inay garab-is-taagi doonaan hoteelka wixii uu u baahdana laga caawin doono.

Isku-soo-wada-duuboo waxaa madasha iyaguna ka hadlay dhallinyar iyo haween, kuwasaoo sheegay in hoteelkan uu yahay mid fusad u siinaya inay shacabka degmada isku arkaan hoteelkan.







Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorama, Somaliland