4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Faahfaahin ku saabsan Socdaal uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku Joogo Magaalada Dhuusomareeb (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, wasiirada arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhiga, wasiir ku xigeenno, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Mudane Saaacid ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey degmada qaybaha kala duwan ee bulshada, sida: maamulka dowladda, mas'uuliyiin ka socday Ahlusunna Waljamaaca iyo dadweyne fara badan kuwaasoo lulayay caleemo qoyan.

Intaas kaddib ayuu u gudbay xarunta degmadaas halkaas oo ay kumannaan dadweyne ah kuwaasoo watay boorar ay qornaayeen erayo ay wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha kusoo dhaweynayeen iyo sawirada ra'iisal wasaaraha.

Hadal uu ra’iisul wasaaruhu u jeediyay dadweynahaas ayuu uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna xusay in degmada Dhuusamareeb ay tahay degmadii uu ku dhashay ayna muhiimad gaar ah u leedahay booqashadiisan.

Sidoo kale, ra'iisal wasaaruhu wuxuu u mahadceliyay maamulka Ahlusunna Waljamaaca sida ay isaga difaaceen Al-shabaab oo uu sheegay inay marar badan isku dayeen inay xoog kula wareegaan degmada; balse ay u baabac dhigeen xoogaga Ahlusunna, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay maamulka dowladda ee gobolka iyo degmada.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayay isbedelka magaalada waxa uu xusay in degmada ay ka muuqato dib u dhac ayna ka muuqdaan raadadkii dagaalada, isaga oo u balan qaaday in xukuumadu u howlgali doonto sidii looga taageeri lahaa dhinacyada waxbarashada iyo adeeg bulshada.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in booqashadan ay jawaab u tahay booqasho ay mas'uuliyiinta Ahlusunna ku yimaadeen magaalada Muqdisho markaasoo uu ballan-qaaday inuu booqasho ku tegi doono Dhuusamareeb.; waxaana inta uu joogo ra'iisal wasaaruhu kulammo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, dhallinyarada, haweenka isagoo kormeero ku sameyn doona qaybaha taariikhiga ah ee degmada.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu booqasho middan la mid ah uu ku tago labada casho ee oo socoda degmooyin kale oo gobolka Galguduud ka tirsan, degmada Caabudwaaq oo ka mid ah kuwa ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca.
 


















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya