3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Wafdi uu hogaaminayo ra'iisal wasaare Saacid oo gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud

Isniin, Maarso, 04, 2013 (HOL) – Wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goor dhaw gaaray degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ee booqanaya gobollka Galguduud ayaa waxaa ka mid ah wasiirrka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed, wasiirrka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi, saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Saacid oo meel fagaare ah kala hadllay dadkii soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay shacabka degmada Dhuusa-mareeb sida ay isugu soo baxeen soo dhaweynta xubnaha ka socda xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay si dhab ah u bar-bar taagan tahay maamulka gobollka Galguduud iyo culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaraha in ay dowladda dhabarka u ridan doonto sida uu hadalka u dhigay tababarka, mushaaraadka, iyo qalabeynta ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ee ka howlgala gobolka Galguduud.

Wariye ku sugan degmada Dhuusa-mareeb ayaa HOL u sheegay in wafdiga ra’iisal wasaaraha laga yaabo saacadaha soo socda in ay gaaraan deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galguduud, halkaasoo ay kulamo kula yeelan doonaan shacabka iyo maamulka deegaannadaasi.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay guud ahaan gobollka Galguduud, gaar ahaan degmada Dhuusa-mareeb ee gobollka, waxaana ka qeyb-qaadanaya sugidda amniga ciidamada AMISOM ee dowladda Jabuuti oo maalintii shalay gaaray gobollka Galguduud.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.













Click here
3/4/2013 3:25 PM EST
Halkaan ka daawo (Video) kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qadar Hamad Bin Khalifa uu kula kulamy magaalada Dooxa.

3/4/2013 1:27 PM EST
Isniin, March 04, 2013 (HOL) - Uhuru Kenyatta oo hogaamiya isbahaysiga Jubilee ayaa ku horreeya codadka ilaa iyo haatan la tiriyay.

3/4/2013 12:19 PM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) —Hotel casri ah ayaa maanta laga hirgaliyay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana furintaankii hoteelkan oo lagu magcaaabo Ramada ka qaybgalay dadweynaha degmada, waxgarad iyo mas’uuliyiin kala duwan.

3/4/2013 11:13 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, wasiirada arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhiga, wasiir ku xigeenno, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

3/4/2013 9:44 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Waxaa duhurnimadii maanta garoonka magaalada Boosaaso soo caga dhigatay diyaarad siddey sagaal maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo loo qabtay ku lug lahaanshaha falal burcad-badeednimo.

3/4/2013 9:21 AM EST
Isniin, March 04, 2013(HOL) - Kumannaan Soomaali ah oo ku nool degmada Kamakunji, gaar ahaanna xaafada Islii ayaa galay safafka dhaadheer oo inta badan codbixiyayaasha dalka Kenya oo dhan ay taagnaayeen maanta.

3/4/2013 9:08 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta la kulmay Amiirka dalka Qadar Amiir Hamad Bin-Khalifah Al-Thani, kaasoo ay uga hadleen sidii iskaashi guud oo dhan walba ah uu u dhexmari lahaa Soomaaliya iyo Qadar.

3/4/2013 8:48 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa shalay xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, ka dib markiii uu dhaliilo usoo jeediyey wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale.

3/4/2013 7:23 AM EST
Isniin, March 04, 2013 (HOL) - Xaafada Islii oo ah goob ay ku yaallaan ganacsiyada waawayn ee Soomaalidu ay ku leedahay Kenya ayaa si habsami leh ay u socotaa codbixintu.

3/4/2013 4:00 AM EST
Isniin, March 04, 2013 (HOL) - 14 milyan oo ah muwaadiniinta u dhashay dalka Kenya ayaa saaka 6-dii subaxnimo loo furay goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan.

3/4/2013 1:58 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii gudaha magaalada Kismaayo ku dilay laba askari oo katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

3/4/2013 12:35 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay saakay oo Isniin ah xaafadda Nnasteexo ee degmada Wadajir gabar ka howlgalaysay mid ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

3/4/2013 12:13 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof oo shan ka mid ay ahaayeen ciidammo booliis ah ayaa ku dhintay rabshado siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya iyo magaalada xeebta ku taalla ee Mombassa, iyadoo doorashooyinkii ay si caadi ah saakay uga billowdeen.

3/4/2013 12:12 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta dalka Qatar.

3/4/2013 12:10 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Waxgaradka degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa si aad ah uga dayriyay xaaladda nololeed ee dadka ku sugan degmadaas oo marba marka kasii dambaysa sii xoogaysanaysa, kaddib xiisad colaadeed oo dhexmara ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo ee isku-horfadhiya deegaankaas.