4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Kooxo hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii gudaha magaalada Kismaayo ku dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in xalay fiiidkii xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagu toogtay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, iyadoona kooxihii dilka geeystay ay u suurogashay in ay goobta ka baxsadaan.

“Labada askari waxaa lagu dilay xaafadda V-afmadow, dadkii dilka geeystayna way baxsadeen,” sidaa waxaa yiri goobjooge ka gaabsaday in magaciisa la xigto oo HOL u waramay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta ka sameeyay howlgallo baaritaanno ah oo ay ku qabqabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay in ay ku lugleeyihiin dilalkaasi.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay dilkaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in uu maanta dib uga furmo magaalada Kismaayo shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka kaasoo uu hakad ku yimid labadii maalmood ee lasoo dhaafay,

Gudiga farsamada shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa galabnimadii jimcaha warbaahinta u sheegay in shirka ay dib u dhigeen ilaa laga gaarayo maalinta Isniinta oo ku beegan maanta, wallow ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan sababaha keenay dib u dhaca.

 ……….
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya