4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Odayaashii soo xulay Baarlamaanka oo Muqdisho ku yeeshay kulan ay kusoo dhaweeyeen Waxqabadka Dowladda (SAWIRRO)

Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah 135-tii oday dhaqameed ee soo xulay xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kulankooda kaga hadlay xaaladda uu dalku marayo, dagaalladii Jubbooyinka xildhibaanno la sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda iyo waxqabadka dowladda Soomaliya inta ay jirtay.

Kulanka oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd ayaa markii lasoo gabgabeeyay waxa odayaashu ay sharraxaad ka siiyeen saxaafadda natiijadii kasoo baxay kulankooda.

Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Caliyow oo ugu horreyn hadlay ayaa sheegay marka hore ay lagama maarmaan tahay in la joojiyo xiisadaha ka taagan deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka loona baahan yahay in dhinacyada halkaas isku haya wax waliba ay ku dhameeyaan wadahadal iyo walalaalnimo.

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara-cadde oo ka mid ahaa ugaasyada, salaadiinta iyo waxgaradkii ka hadlay madasha ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay si buuxdo u taageeraan howlaha ay labada gole ee dowladda wadaan.

Sidoo kale, ugaaska oo shirkiisa jaraaid kaga hadlay dhinacyo badan ayaa ku nuux-nuuxsaday in si hagar la’aan ah loola shaqeeyo mas’uuliyiinta dowladda isla markaana la joojiyo wax kasta oo tashwiish ku furi kara howlaha dowladda.

"Kulankeennaan waxaan uga hadalay inaan dib u fiirino wixii noo qabsoomay iyo wixii aan qabsoomin; waxaana diiradda saarnay xaaladaha uu waddanku marayo hadda, innagoo isla garannay in kaalin muuqata ay dowladda ka gashay wax qabadkeeda waxaana caddeyn u soo qaatay aqoonsiga ay dowladda heshay iyo sida ay ammaanka u sugtay," ayuu yiri Ugaas Fara-cadde.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas faracadde ayaa dhanka kale tacsi u direy Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo qaar ka mid ahaa 135 tii oday ee soo xulay xildhibaanada oo siyaabo kala duwan loogu dilay degaano kala duwan, sidoo kale Ugaaska ayaa ku baaqay dagaalada ka socdo gobolada qaarkood in la joojiyo wuxuuna hadalkiisa intaa ku daray in ay Somalia dagaal ka daashay haatana la helay dowlada rasmi ah.

Dhinaca kale, suldaan Warsame Suldaan Ibraahim ayaa sheegay inay kula  talinayaan xildhibaanno baarlamanka ka tirsan oo la sheegay inay xilligan wadaan mooshinka ka dhan ah xukuumadd inay joojiyaan mooshinkaas oo caqabad ku noqon kara howlaha horyaalla dowladda, isagoo ka digay inaan laga dhex-abuurin madaxda dowladda buuq iyo is-qabqabsi.

Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku raacsan yahay talo-soo-jeedintii salaadiinta ka warbixiyay shirkii ay Muqdisho ku yeesheen, Isagoo yiri. "Dhaliisha xukuumadda kama sheegayno saxaafadda maadaama ay jirtay waqti yar, laakiin waxaa la isla qaatay in xukuumadda lagala hadlo waxyaabaha u baahan in la toosiyo."

Laakiinse wuxuu boqorku u soo jeediyay xukuumadda inay u dhago nuglaato baaqyada kaga imanaya odoyaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa waxay odayaasha dhaqanku tacsi ugu direen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Gacmey) oo bishii hore lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya