4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo Nairobi kaga qaybgashay shir ay yeesheen Dalalka IGAD (SAWIRRO)
shir4.jpg

Jimco, March 01, 2013(HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka qaybgashay shir ay yeesheen qaar kamid ah wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa intiisii badnayd diiradda lagu saaray sidii ay Kenya uga dhici lahayd doorasho xasilooni ku dhammaata, iyadoo wadamadani ay ku boorriyeen shacbiga iyo dawlada Kenya inay iska ilaaliyaan waxwalba oo dalka dib ugu celin kara wixii dhacay 2007-2008-dii.

shir3.jpg

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Prof. Sam Ongeri ayaa sheegay in dawladu adkaysay amniga islamarkaana ay doorashadu ku dhammaan doonto si nabadgalyo ah, isagoo wadamada gobolkana uga mahad celiyay taageerada ay siinayaan Kenya.

Inkastoo ay jireen warar ay saxaafaddu isla dhex maraysay oo sheegayay in Soomaaliya, gaar ahaanna is afgaranwaaga ka taagan gobollada jubbooyinka in lagu soo qaaday shirka ayaa haddana uu arrintan ka gaabsaday wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Dr.Tedros Adhanom oo saxaafadda la hadlay.

“Ma doonayno inaan arrintan ka hadalno” ayuu yiri mar wax laga waydiiyay arrinta ka taagan Jubbooyinka.

Waxaana urur goboleedka IGAD ay kaalin muuqata ka ciyaarayaan taageerida maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka, taasoo ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya doonayso in iyada looga dambeeyo.

shir2.jpg
shir5.jpg
shir.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya