4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidmada Somalia oo Xukuno dil ku ridday Askarta Ciidamada Dowladda Somalia

Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidammada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukunno dil ah ku ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo horay u geystay dambiyo kala duwan oo ay ku jiraan dilal.

Xukunkan ayaa waxaa ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, waxaana askarta lagu riday xukunka dilka ahay tiradoodu gaaraysay saddex askari oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay oo dilal ahaa.

Askarta dilka lagu xukumay ayaa waxay kala ahaayeen: Maxamed Jimcaale Wehliye, Cabdullaahi Cali Cilmi iyo Maxamuud Cali Guure Fiidoow. Kuwaasoo noqonaya kuwii labaad oo maxkamadda ciidamadu ay xukunno ku riddo laba toddobaad gudahood.

Col. Maxamed Cabdullaahi Muuse oo ka tirsan maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo faahfaahin ka bixiyay xukunka ayaa sheegay in askartan maanta dilka lagu xukumay ay markhaatiyaal horyimid ay ku caddeeyeen dambiyadii lagu eedeeyay, taasna ay keentay in toogashada lagu xukumo.

Garsooraha maxkamadda ma uusan sheegin xilliga xukunkan lagu fulinayo saddexda askari ee maanta lagu xukumay dilka toogasho, kuwaasoo qayb ka noqonaya askar badan oo horay loogu xukumay dil toogasho.

Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ku jira askar badan oo dil toogasho ku xukuman, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegeen in dhammaan inta ku xukuman dilka toogasho in lagu fulin doono xukunkaas.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii saddex askari oo laba ka mid ah ay ahaayeen walaalo lagu fuliyay xukun dil ah, iyadoo mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ay sheegeen inay socon doonaan fulinta xukunnada dilka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya