4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Gaadiidka Dadweynaha iyo Shirkadaha Laydhka Somaliland oo ku hanjabay in ay kordhin doonaan Qiimaha Shidaalka Awgiis

Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Qiimaha Shiidaalka, gaar ahaan Naaftadda ayaa qiimahoodii kor u kacay Somaliland, taas oo keentay in gaadiidleydii magaaladda u kala gooshta iyo shirkadihii Laydhka ku hanjabaan inay qiimaha ay dadka ka qaadi jireen ku kordhin doonaan shacabka haddii aan wax laga qaban.

Labaddii toddobaad ee u dambeeyey ayaa waxa cirka isku shareeray qiimihii shiidaalka iyo sarifkii lacagaha oo dadka mushaharka ku qaada lacagta Somaliland si weyn uga cabanayeen,taas oo ilaa hadda aanay waxba ka qaban xukuumadda.

“Iyadoo marka horeba qiimuhu aanu ku qaadnaa dadka na raaca ay aad u yaraa ayey shiidaalkii kor loo qaaday ismana bixin karaan qiimaha aanu ku qaadno iyo halka uu maanta marayo shiidaalku, waxaana go’aasanahay in aanu gadiidkii dhigno iyo in aanu qiimaha kor u qaadno, waxaanay nala noqon wayday in aanu dhigno oo magaaladii kala xidhan baa ku dhacaya, marka waxanu is nidhi kolay culaysku shacabka ayuu ku dhacayaye, xukuumadan waxan ay kordhinayso shacabka ayuu ku dhacayaaye shacabka uun ha ku dhaco”ayuu yidhi gudoomiyaha gaadiidka Baasleyda Cabdiraxmaan Maxamed oo ka hadlayey qiimaha shiidaalka oo kor u kacay, waxaanu intaas ku daray “ haddii toddobaadka soo socda uu wax is dhimi waayana in aanu qiimihii lagu raaci jirnay shan boqol ku darno oo aanu ka dhigno laba kun oo shilin Somaliland ah”.

Sidoo kale waxa iyaguna qiimaha shiidaalka ee kordhay ka hadlay qaar ka mid ah Dirawaladda gaadiidleyda Basaska oo sheegay in aanay ka fursanayn in qiimaha baska lagu raacayo kor loo qaado lagana dhigayo laba kun, halka ay ka ahaan jirtay kun iyo shan boqol oo Somalilad shilling ah.

“Saameyn badan buu nagu leeyahay qiimaha la kordhiyey waayo meel wax lagaga kordhiyo malaha dadweynuhu, culayska na fuulayna waa mid aad u balaadhan, dadka aanu qadnaa waa danyar, qiimahan kordhayna waxa u ka yimid dawlada meel kale kama iman karo iyaga haamihii haysta iyaga wax ku kordhin kara, waxaana doonayaa in dawlada aanu la hadalno oo aanu nidhaahno wax nala eega oo marna ma doonayno in wax dhibaato ah samayno, waxaanu shiidaalkii marayaa tobanka litir  72,000 shsl halka uu markii hore ka ahaa 55,000 SHSL ah.”ayuu yidhi Axmed Maxamed oo ka mid ah gaadiidleyda.

Gaadiidleyda ayaa ku doodaya in qiimaha kordhay ka timid cashuurta dawladda oo kor u qaaday taasina ay keentay in shiidaalkii qiimihiisu kaco, isla markaana danyarta saameyn ku yeesho.

“Halkii aanu shan iyo konton kun siisan jirnay ayaa uu maraya dhawr iyo toddobaadan kun, dadkuna maaha dad iska xejin kara, dadkii masuulka ka ahaan waa nasiib daro hadii ay halkaasi ka soo daawanayaan, waxaan u malaynaya inay noo tashadeen ganacsatada iyo xukuuumada, waxaana aaminsanahay in ay tallo ku gaadheen in qiimuhu kor u kaco oo ummadan danyarta ah lagu laayo, ilaa hadan cid wax ka qabatay ma jirto”ayuu yidhi Maxamed Xasan oo ka mid ah gaadiidleyda u kala goosha magaaladda dhexdoodda.

Sidoo kale, waxa iyaguna ku dhawaaqay inay qiimihii kor u qaadayaan shirkadaha laydhka oo sheegay in haddii wax laga qaban waayo oo shiidaalka la jabin waayo ay qiimaha kor u qadayaan 20% .

Gudoomiyaha shirkadaha Laydhka Eng: Cabdi Cali Barkhad ayaa sheegay in haddii aan wax laga qaban qiimaha shiidaalka ee kor u kacay ay adeega laydhka ah ee ay bixiyaan qiimaha ku kordhin doonaan dadweynaha.

Illaa hadda xukuumadda Somaliland wax talaabo ah kama qaadin arrimahan isbiirbiirsaday,haseyeeshee waxay ku dadaalaysaa inay kor u qaado dakhliga ay helayso, iyadoo culayskana uu ku dhacayo dadka danyarta ah, waxaanay xukuumadani inta badan ku faanta uun in dakhli badan soo xarayso, balse aanay iswaydiin nolosha ay dadkeedu ku nool yihiin, inkastoo wasiirka ganacsigu sheegay in aanay iskood iskaga kordhin karin waxay doonaan shirkadleydu, isla markaana suuqu xor yahay, waxa kale oo uu xusay in qiimaha shiidaalku ka kordhay dhinaca dibadda laga soo iibiyo balse aanay iyagu waxba ku darin.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ay qaadeen gaadiidka iyo warshadaha laydhkuna waxay sii adkaynaysaa noloshii danyarta haddii aan wax laga qaban oo aanay xukuumaddu soo dhexgalin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland