Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Jabuuti ayaa ku dilay toogasho wiil 14-jir ah kaddib markii ay rasaas ku fureen mudaaharaad nabadeed oo ka dhacayay magaalada Obokh, iyadoo rasaastaas ay tiro kale oo dad ah ku dhaawacmeen, sida ay shaacisay hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo magaceeda loosoo gaabiyo FIDH.
Falkan oo dhacay 30-kii bishii December ee sannadkii 2012 oo ku beegnayd toddobaadkii hore, ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka Jabuuti, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay six un ula dhaqantay dad dibadbax nabadeed dhigayay.
“Maalin Axadda oo ay ku beegnayd 30-kii Diseember, waxaa magaalada Obokh isugu soo baxay caruur arday ah oo ka cabanayay arrimo ku saabsan kaabayaasha ciyaaraha oo ay magaaladaas ku liidato. Balse nasiib-darro ciidamada ammaanku waxay ku fureen rasaas, taasoo keentay inuu ku dhinto wiil 14-jir ah oo lagu magacaabi jiray, Xafez Maxamed Xasan,” ayay hay’addu ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay.
Sidoo kale, dadka ku dhaawacmay shilkaas waxaa ka mid ah, Axmed Max’ed Cali, Cali Kanaano Barqo, Cali Cumar, Faadumo Ibraahim Muuse, Haashim Xasan Maxamed, Xasna Maxamed Cali, Cumar Maxamed Cali, Cali Maxamed Cali iyo Caasho Diini oo ah haweeney 70 jir ah oo ka mid ah dadka Obokh ku nool, iyadoo la sheegay in qaar ka mid dhaawacyada ay xaaladoodu tahay mid aad khatar u ah.
“Dhacdadan waa mid mas’uuliyad-darro ah oo ay ku kaceen ciidamada dalka Jabuuti, waana fal aan loo cafinayn. Markii ay ciidamada xoogu ugaarsadaan caruurta taasi waxay caddeyn u tahay in xadgudubyada xuquuqda aadanaha ay meel sare gaartay,” ayuu yiri Suhayr Bel-Xasan oo ah madaxa hay’adda warbixinta soo saartay ee FIDH.
Ugu dambeyn, hay’aduhu beesha caalamka ka dalbadeen in Jabuuti lagula xisaabtamo falkan oo ah mid meel-ka-dhac ku ah xuquuqda aadanaha, iyagoo sidoo kale ka dalbaday dowladda Jabuuti inay xushmeyso xuquuqda aadanaha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Ammaanka dalka Jabuuti oo Toogasho ku dilay Wiil 14-jir ah oo ka qayb-qaadanayay Mudaaharaad Nabadeed
More News
- Maayarka cusub ee Degmada Saylac oo xilka la wareegay Iyo Gaari uu lahaa oo lagu gubay Xafiiska Barasaabka Gobolka Selel
- Deeq lacageed oo Maanta lasoo Gaarsiiyay Isbitaalka lagu daweeyo Cudurka Qaaxada (TB) ee Magaalada Laascaanood
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Saraakiil sarsare oo ka socday Bankiga Adduunka
- AFHAYEENKA AMISOM: “Guulo muuqda ayaan ka gaarnay Howl-gallada aan ka wadno Gudaha dalka Soomaaliya”
- Dowladda Mareykanka oo Malaayiin lacag ah dul-dhigtay dad u dhashay dalka Suudaan oo la safan Al-shabaab
- Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka Maamul u sameynta Jubbooyinka oo ka socoto Magaalada Kismaayo
- AMISOM oo Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya u qabanaysa Tababaarro ay aqoontooda ku kobcinayso
- Kooxo ku labisan dharka ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhac ka geysta Qeybo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose