4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 10, 2013
Kooxo ku labisan dharka ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhac ka geysta Qeybo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Khamiis, Jannaayo 10, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan islamarkaasina ku labisan dareeska ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhibaatooyin ba’an ku haya gaadiidka rakaabka ee isticmaala qeybo katirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Kooxahani ayaa la sheegay in gaadiidka ay isbaareystaan isalamarkaasina ay dadka ka qaataan waxyaalaha ay wataan, sida teleefonnada gacanta, lacagaha iyo dhamaan waxa ay wataan dadka rakaabka ah.

Xaliimo Cali oo imika ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kamid ahayd dad ay kooxahani dhac ugu geysteen nawaaxiga degmada Marka ee gobolka shabeelaha Hoose, iyadoo u waramaysay HOL ayay sheegtay in dhac loogu geeystay meel ku dhow degmada Marka xilli ay kusoo wajahnayd magaalada Muqdisho, waxayna sheegtay in rakaabkii saarnaa gaadiidka ay la socotay dhamaan laga qaatay waxyaalihii ay wateen.

 “Waxay xoog iiga furteen dahab aan watay oo qoorta iyo dhagaha iigu xirnaa. Qori baagiisa ayay ila dheceen,” ayay haweeneydani hadalkeeda raacisay.

Max’ed C/laahi Ibraahim oo ah wade gaadiid ka dhex shaqeeya gobollada Jubooyinka iyo Banaadir ayaa HOL u sheegay in marar badan dhac loo geystay dad saaran gaarigiisa, wuxuuna xusay in xilliyada qaar tacadiyo isugu jira jirdil iyo kufsi ay ka dhacaan wadadaasi.

Gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii oo warbaahinta ha hadlay ayaa sheegay in ay isa soo tarayaan dhibaatooyinka lagu hayo dadka shacabka ah ee isticmaala gobolka, wuxuuna xusay in kooxaha dhaca geysta ay yihiin kuwo doonaya in ay iska horkeenaan shacabka iyo dowaldda islamarkaasina ay adeegsadaan dharka ciidamada dowladda lagu yaqaan, wuxuuna gudoomiyuhu xusay in ay codsi u direen laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatadaasi, balse aysan jirin ilaa imika cid wax ka qabatay.

Masuulkani ayaa sheegay in shirar maalmihii u danbeeyay ka socday gobolka ay go’aan ku gaareen in aysan cidna sugin oo ay isu tashtaan islamarkaasina ay go’aansadeen in si deg deg ah ay u bilaabaan howlgallo lagu ciribtirayo kooxahaasi.

Masuulkani ayaa intaa ku daray in aysan ahayn arin loo dulqaadan karo in la istaajiyo gaadiid ay saaranyihiin dad masaakiin ah oo dhac loo geysto, haweenka saaranna la kufsado, wuxuuna xusay in ay ballan qaadayaan in ay kooxahaasi ka tirtiraan gobolka.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa isa soo tarayay cabashooyinka kasoo yeeraya dadka iyo gaadiidka isticmaala gobolka shabeelaha hoose, kuwaasoo dhibaatooyin ba’an oo ay kamid yihiin, jirdil, dhac iyo kufsi kala kulma kooxo hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada dowladda,

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya