4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Marxuum Sh. Cali Axmed Ashkir oo ku Geeriyooday dalka Mareykanka ayaa Meydkiisa lagu aasay Magaalada Kismaayo

Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Waxaa shalay oo Jimco ahayd gudaha magaalada Kismaayo lagu aasay meydka AUN Sheekh Cali Axmed Ashkir oo 18-kii bishan ku geeriyooday magaalada Ohio ee gobolka Columbus ee dalka Mareykanka.

Meydka Sheekha oo ay keentay diyaarad gaar ah ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay boqollaal qof oo dadka reer Kismaayo ah oo ay kamid ahaayeen ehellada Sheekha.

AUN Meydka Sheekha ayaa intaasi kadib waxa loo soo qaaday dhanka magaalada iyadoo ay wehlinayeen gaadiid aad u tiro badan, waxaana saladda Janaazada lagula tukaday Masjidka Weyn ee Xamza ee magaalada Kismaayo.

Sheekh Axmed Dhicis oo kamid ah culumada waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa goobta uu ka dhacayay aaaska waxa uu kasoo jeediyay wacdi, isagoona Alle uga baryay Sheekha in uu u naxariistiisa.

Sheekh Axmed Siiro oo ah wiil uu dhalay Sheekha ayaa isna goobta ka hadlay, wuxuuna u duceeyay Sheekha isagoona sheegay in AUN Sheekh Cali Axmed intuusan dhiman ka hor uu ka dardaarmay in lagu aaso magaalada Kismaayo.

Gagabagabadii waxaa taariikhda Sheekha oo kooban halkaasi ka aqriyay Xasan Sheekh Cali Axmed Ashkir oo ah wiil uu dhalay sheekha.

Allaha u naxariistee Sheekh Cali Axmed Ashkir ayaa ifka uga tagay 115 qof oo isugu jira dad uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen, waxaana Sheekhani

115 qof oo isugu jirta caruurtiisa iyo wixii ay sii dhaleen , waxa uuna ahaa nin ay siweyn uga naxeen geeridiisa dhamaan dadkii aqoonta u lahaa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya