3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Magaalada Kismaayo oo laga hirgeliyay Mashruuc biyo gelin ah

Sabti, August 24, 2013 (HOL) Waxaa magaala Kismaayo laga hirgeliyay shirkad cusub oo lagu magacaabo Kismayo Water Supply, taasoo biyo nadiif ah gelin doonta guud ahaan xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Xaflad lagu daah furayay shirkaddan cusub ee biyo gelinta Kismaayo oo ay kasoo qeybgaleen ganacsato, haween, odoyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada  ku dhaqan Kismaayo ayaa lagu qabtay Hotel Qiil-mawaaye ee magaalada Kismaayo, waxaana injineerada Shirkaddu ay halkaasi ku soo bandhigeen habka ay u shaqeyn doonto shirkaddan cusub iyo goobaha ay biyaha gaarsiin doonto.

Gudoomiyaha shirkadda biyo gelinta Kismaayo Shaafi Raabbi Kaahin oo ugu horeyn  goobta ka hadlay ayaa ka warbixyay ujeedada furitaaanka shirkaddan isagoona sidoo kale baaq u diray ganacsatada.

Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya, islamarkaana kamid ahaa masuuliyiinta lagu casuumay xafladda furitaanka shirkadda ayaa u hambalyeeyay ganacsatadii isu xilqaantay howshan, isagoona sheegay in tallaabadani ay tahay mid horumar ah islamarkaana ku dayasho mudan

Mashruucan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay  ee mudo 20-sano kadib ah laga hirgeliyo magaalada Kismaayo, waxaana si diiran usoo dhaweeyay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
kismaayo, Soomaaliya.













Click here
8/24/2013 10:09 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa in ka badan toban qof oo eedeysanayaal ahaa ku ridday maanta xukunno isugu jira xabsi, ganaax lacageed iyo dil toogasho ah, iyadoo la sii daayay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay.

8/24/2013 8:19 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Nin Baastoolad ku hubaysan, ayaa xalay xaafadda Siinaay ee Koonfurta magaaladda Hargeysa ku toogtay nin magaciisa la yidhaaa Maxamed Sheekh Axmed Cabdilaahi kaas oo maydkiisa la geeyey cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

8/24/2013 8:13 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa ka hadlay maanta kufsi loo geystay haweeney Soomaaliyeed oo la sheegay inay Muqdisho ku kufsaday askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku sugan saldhig ay ku leeyihiin Maslax oo ku taalla waqooyi Muqdisho.

8/24/2013 8:11 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Waxaa xarumaha jaamacadda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ka furmay taariikhdu markay ahayd 22-kii bishan, 2013 imtixaanka ogolaanshaha ama (qabuulka) ee laga qaadayo ardayda kusoo biiraysa sanad wax-barashadeedka 2013/2014 ee jaamacadda Muqdisho.

8/24/2013 7:58 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Waxaa shalay oo Jimco ahayd gudaha magaalada Kismaayo lagu aasay meydka AUN Sheekh Cali Axmed Ashkir oo 18-kii bishan ku geeriyooday magaalada Ohio ee gobolka Columbus ee dalka Mareykanka.

8/24/2013 7:44 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee magaalada Garoowe ayaa xalay fashiliyey miino nooca meelaha fog laga hago ah oo la dhigey meel u dhow guriga wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed.

8/24/2013 4:55 AM EST
Sabti, August 24, 2013(HOL)—Waxaagoordhawayd soo gaaraymagaalada Boorama ee XaruntaGobolka Awdal Wafti balaadhan oo ka socda Golaha guurtida Somaliland kaasoo ka kooban 15 Xubnood oo saaka arootii hore ka soo kicitimay magaalada Hargeysa waxayna degeen Hotel Haldoor eeMagaalada Boorama.

8/24/2013 2:45 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir guddoomiyihii Olombikada ee degmada Dharkeynley, Amiin Cali Muumin.

8/24/2013 2:18 AM EST
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Raga Soomaaliyeed ee qurba ka yimid ayaa lacag badan ku kharash garaynaya meherka iyo kharashaadka kale ee arooska iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda amaanka ee Muqidsho si ay u guursadaan.