4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Golaha Guurtida Somaliland oo wafdi xaqiiqo-raadin ah u diray Magaalada Boorame

Sabti, August 24, 2013(HOL)—Waxaa goor dhawayd soo gaaray magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Wafti ballaaran oo ka socda Golaha guurtida Somaliland kaasoo ka kooban 15 Xubnood oo saaka arootii hore ka soo kicitimay magaalada Hargeysa waxayna degeen Hotel Haldoor  ee Magaalada Boorama.

Guddigan ka socda guurtida oo mudooyinkii u danbeeyay la sugayay ayaa qayb ka guddi dhawaan Xukuumadda  Axmed Siilaanyo u xilsaartay wax kaqabashada iyo u kuurgalidda xaaladda guud ee degaanka Xariirad oo laba goor falal dil ahi uu ka dhacay kuwaasoo ay u dhaxaysay Beelaha Reer Dudub (Gadabuursi) Iyo Reer Geeddi (Ciise).

Waftigan ayaa ka gaabsaday in ay saxaafadda la hadlaan waxaase noo suuragashay xubno ka agdhaw waftigan ay noo sheegeen in wafdigan uu yahay mid uu soo diray Golaha Guurtida ayna sida ugu dhaqsaha badan ugu amba bixi doonaan degaankaas, labada beeloodna ay dhagaysan doonaancabashooyinkooda iyo wixii khilaaf ah ee ka dhex aloosan marka ay gaadhaan degaankaas xariirad.

Wixiiwararka h eekasookordhakalaSoco hiiraanonline

Khadra H. Nuh, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland