Gudoomiyaha gudiga doorashada dalka Kenya Axmed Isaaq Xassan oo daqiiqado ka hor qabtay shir jaraa’id xilli la sugayay inuu ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah ayaa arrinkaasi uu dib u dhacay, isagoo sheegay in lagu noqon doono tirinta codadka dhowr goor si loo xaqiijiyo cadaaladda.
Waxaana uu sheegay in natiijada lagu dhawaaqi doono subaxda maalinta jimacaha, inta ka horraysana laga doonayo musharrixiinta iyo xisbiyada siyaasada inay u ogolaadaan gudiga doorashada inuu shaqadiisa si xor ah u wato.
“Gudiga doorashada waa in loo ogolaadaa inuu shaqadiisa wato oo sharciga la dhowraa, cidii aan ku qancin doorashada sida ay u dhacday waa inay martaa wadada sharciga uu dhigayo” ayuu yiri isagoo ay ka muuqato cadaadis kaga imaanaya musharrixiinta doorashada.
Daahitaanka natiijada doorashada ayaa dhalisay cabashooyin ka imaanaya shacabka iyo qaar kamid ah hogaamiyayaasha siyaasada oo ka digay dib u dhac ku yimaada shaacinta natiijada.
Waxaana gudoomiyaha gudiga doorashada uu sheegay in dastuurka dalka Kenya uu qorayo in natiijada lagu dhawaaqi karo todobaad kadib marka ay codbixintu dhacdo.
Waxaana uu uga digay siyaasiyiinta inay sameeyaan wax
ammaanka khalkhal galin kara.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya