Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Magaalada Xariirad oo uu ku dhintay qof kaasoo maanta la aasay

Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) —Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Xariirad oo ay shalay ku dagaalameen maleeshiyaad  kasoo kala jeeda degmada Booarme iyo deegaanka Saylac oo sababay dhimashada hal qof ayaa waxay sheegayaan in deegaankaas lagu aasay maanta ruuxii shalay la dilay.

Gudaha magaalada Xariirad oo aan kala xiriirnay qaar ka mid ah dadka ku nool ayaa sheegaya in ciidammo badan oo militariga iyo booliska la geeyay halkaas, kuwaasoo la sheegay inay magaalada oo dhan isku baahiyeen.

Wararku waxay kaloo intaas ku darayaan in taliyihii guud ee booliska Somaliland iyo ciidammo uu wato ay ka mid yihiin ciidamada buuxiyay magaalada uu shalay dagaalku ka dhacay.

Dhanka kale, wararka aan ka helanyo goobihii lagu dagaalamay ayaa waxay ay heegayaan in labadii malleeshiyo ay is-horfadhiyaan ayna si aad ah isugu dhow yihiin, lana filan karo dagaal labadaas maleeshiyo mar kale dhexmara.

Tan iyo markii lagu murmay doorashooyinkii deegaanka ee Somaliland ka dhacay sannadkii hore dhamaadkiisa ayaa waxaa ka dhacaya deegaanno ka tirsan Somaliland iskahorimaadyo ku saleysan doorashada.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland