Kulan ay ka qayb-galeen Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe oo oo Maanta ka dhacay Degmada Jowhar (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo hay'adda CCD ay soo qabanqaabisay ayaa lagu qabtay maanta degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe taasoo ay ka qaybgaleen saraakiisha ciidamada xoogga iyo odayaasha dhaqanka.

Kulankan oo looga hadlayay sida dhallinyarada looga wacyi-gelin karo in aysan ku biirin Al-Shabaab, isla markaana aysan qaadan fikradaha qaldan ayaa waxaa khudbado ka jeediyay mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka gobolka Shabellaha Dhexe, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cabdi Jiinow Calasow oo ugu horreyn khudbad ku furay kulanka ayaa tilmaamay in fadhigan loogu talo-galay in bulshada lagu wacyi-geliyo, si looga shaqeeyo nabadgelyada.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa CCD dadaalka ay ugu jirto isku keenidda bulshada iyo wacyi gelintooda. Waxay tani ka qyb-qaadanaysa in bulshada aayaheeda ka tashato, nabaddeedana ay ilaashato," ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in looga baahan yahay bulshada inay ammaanka kala shaqeeyaan maamulka iyo ciidamada, isagoo tilmaamay in xoreynta gobolka Shabellaha Dhexe ay billaabatay 26-kii Juune 2012 taasoo sagaal bilood laga joogo, waxaana ay tani caddeyn u tahay buu yiri inaan la mid ahayn gobollada kale ee dalka maadaama ay dadkiisa, maamulkiisa iyo ciidankiisuba wada-shaqeyn ka dhaxeyso.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Jowhar, Maxamed Cusmaan Caqiil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay si joogta ah u wada-shaqeeyaan, isla markaana ay ka qayb-qaataan nabad-gelyada, isagoo ballanqaaday inuu sii soconayo xiriirka iyo wada-shaqeyntan.

Jen. Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ah saraakiisha dowladad oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii loo adkeyn lahaa nabadda, isagoo odayaasha weydiistay inay door muuqada ka qaataan nabadeynta, waxaana uu ka dhawaajiyay in xoreynta gobolka ay meel wanaagsan mareyso.

Waxgaradkii goobta ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen: nabaddoon, Cali Ibraahim Beesh, Caaqil Yaxye Maxamed Cali iyo Cabdifataax Macallin ayaa sheegay in odayaasha dhaqankau diyaar u yihiin inay ka qayb-qaataan nabadda, wacyi-gelinta dhallinyarada iyo dib u soo nooleynta adeegyadii bur-buray ee gobolka Shabeellada Dhexe.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya