10/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Wakiilka cusub ee EU u qaabilsan Soomaaliya oo maanta Garoowe soo gaarey lana kulmay madaxda Puntland

Axad, September 23, 2012 (HOL) - Magaala madaxda Puntland ee  Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi  uu horkacayo wakiilka cusub ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan. Wefdigan oo si diiran loosoo dhoweeyey, waxay xarunta madaxtooyada kulan kula qaateen madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ku-xigeenkiisa Gen. Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Kulanka oo ahaa mid muddo kooban qaatay, islamarkaana ay Saxaafaddu banaanka ka joogtey, waxaa markii uu soo gaba gaboobey si wada jir ah warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay madaxweynaha Puntland iyo ergeyga midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay in ay si aad ah ugu faraxsanyihiin booqashada uu xiligan Michal Caravan ku yimid Puntland, isagoo intaas raaciyey in ujeedkeeduna uu yahay sidii ay isu baran lahaayeen, xiriirkana loo xoojin lahaa.

“Waxaa booqasho noogu yimid ergey cusub oo bedley kii horay midowga Yurub ugu qaabilsanaa Soomaaliya, si aan isu barano una sii adkeyno xiriirka wanaagsan ee aan midowga Yurub la leenahay iyo si aanu isaga waraysano wejiga cusub ee uu dalku galay” madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay midowga Yurub in ay kordhiyaan deeqdii ay Soomaaliya siin jireen, maadaama uu dalku kumeel gaarnimadii ka baxay, wuxuuna intaas ku daray in hadda kadib loo baahan yahay in ay deeqahooda kusoo hagaajiyaan hay’adaha dowliga ah.

Caravan oo isna si kooban warfidiyeenada ula hadlay ayaa xusay in uu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Puntland, islamarkaana uu mahad balaaran u jeedinayo madaxda Puntland oo uu sheegay in kulankii uu la qaatay uu si aad ah ugu riyaaqay si fiicanna ay isu fahmeen.

Hadaladiisina waxaa kamid ahaa “Midowga Yurub Soomaaliya mudadii burburka wuxuu lasoo garab taagnaa dadaal hiil iyo hooba leh, hadda kadibna wuu sii wadi xoojin doonaa maadaama uu dalku kumeelgaarnimada ka baxay, oo dowlad rasmi ahi ay dhalatay”.

Michal Caravan oo ah ergeyga cusub ee EU u joogi doona Soomaaliya wuxuu kahor intii uusan Garoowe soo gaarin soo maray magaalada Hargeysa, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda Somaliland gaar ahaan madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
9/23/2012 9:24 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ku toogtay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaas oo aan la garanayn sababta loo dilay iyo cidda dilkooda ka dambeysa.

9/23/2012 8:52 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Wasiirradda Caafimaadka iyo Beeraha Somaliland ayaa soo dhaweyey 11 dhakhtar oo reer Kuwayt ah oo u yimid Somaliland sidii ay qaliinno kala duwan u sameyn lahaayeenm kuwaasoo shaqadooda ka billaabi doona Isbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

9/23/2012 8:40 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka kubada cagta Cawaale ee degmada Gaalkacyo lagu soo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayay Alle ha u naxatiirteen marxuum Eng Cali Xaaji Shirwac oo kol hore lagu dillay magaalada Baladweyne.

9/23/2012 8:23 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goor-dhawayd ka qarxay deegaanka Janaa cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose.

9/23/2012 8:16 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Wefti uu hoggaaminayo ergayga cusub ee Midowga Yurub u fadhiyi doona magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa, kaasoo la kulmay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanayo) iyo shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland.

9/23/2012 7:12 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay dil mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loogu geystay xalay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaddib markii ay dabley bastoolado ku hubeysan ay gurigiisa ku weerareen.

9/23/2012 6:59 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Hay'adda shaqada adduunka ee ILO ayaa ka furtay maanta Muqdisho mashruuc lagu horumarinayo ganacsiga haweenka, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adaha bulshada rayidka Soomaaliyeed.

9/23/2012 6:58 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Kulankan oo loogu baroordiiqayay wariyeyaashii lagu laayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Bin-Ali oo ku yaal xaafadda Eastleigh, waxaana kasoo qeybgalay suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgasha magaalada Nairobi iyo marti sharaf kale.

9/23/2012 6:07 AM EST
Axad, september 23, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

9/23/2012 1:31 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Howlgallo lagu soo qabqabtay dad fara badan ayay cidamada amaanka dowladdu xalay ka sameeyeen degmooyinka, Waaberi, Hodan iyo Wadajir, iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen guryaha iyo gaadiidka.

9/23/2012 1:28 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen shalay oo Sabti ahayd 200 dagaalyahan oo ka tisran Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen inay kasoo tageen degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.

9/23/2012 1:24 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Waxaa degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar maalintii labaad ku sugan xubno ka tirsan gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Puntand oo uu horkacayo gudoomiyaha gudigaasi, Dr. Maxamed Xasan Barre.