Axad, September 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goor-dhawayd ka qarxay deegaanka Janaa cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab oo maalmihii ugu danbeeyay gurmadyo kala duwan u dirayay jiidda hore ee dagaalka ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen duleedka deegaankaasi waxaana halkaasi ka qarxay dagaal culus oo dhinacyadu isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka aynu ka heleyno deegaanada ku dhow dhow halka uu dagaalka ka qarxay ayaa sheegaya in dagaalka u dhexeeya labada dhinac ee ka qarxay deegaanka Janaa Cabdalle ama Birta Dheer uu yahay mid xooggan.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay gobolka jubada hoose ka jireen xiisado dagaal oo u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab, waxaana xiisadahaasi ay sababeen in boqollaal qoys ay ka barakacaan deegaanadooda.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Dagaal culus oo goor-dhawayd ka Qarxay Deegaanka Janaay-Cabdalle oo galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo
More News
- Wakiilka cusub ee EU u qaabilsan Soomaaliya oo maanta Garoowe soo gaarey lana kulmay madaxda Puntland
- Kooxo Bastoolado ku hubeysan oo Maanta Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay laba wiil oo dhallinyaro ah
- Dhakhaatiir Reer Kuweyt ah oo Hawlo Caafimaad ka billaabi doono Isbitaal ku yaalla Boorama oo si weyn loosoo dhaweeyay
- Tartan Kubadda Cagta oo lagu Maamuusayay Marxuum Inj. Cali Xaaji Shirwac oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Gaalkacyo
- Ergayga Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland
- Al-shabaab oo sheegatay dil Mudane Baarlamaanka ka tirsan loogu geystay Muqdisho, iyagoo u hanjabay Xildhibaannada kale
- Hay'adda Shaqada Adduunka ee ILO oo Mashruuc Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed lagu horumarinayo maanta ka furtay Muqdisho
- Kulan loogu Baroor-diiqayay Suxufiyiintii Siyaabaha kala duwan loogu dilay Muqdisho oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
- Munaasabad lagu taageerayay dowladda Soomaaliya oo Katrineholm ka dhacday
- Howgallo dad badan lagu qab-qabtay oo Ciidamada Ammaanka Dowladdu ay xalay ka sameeyeen Degmooyin ka tirsan Muqdisho
- Ciidamada Midowga Afirka oo sheegay inay isku soo dhiibeen boqolaal dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab
- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar