Axad, September 23, 2012 (HOL) — Kulankan oo loogu baroordiiqayay wariyeyaashii lagu laayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Bin-Ali oo ku yaal xaafadda Eastleigh, waxaana kasoo qeybgalay suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgasha magaalada Nairobi iyo marti sharaf kale.
Kulankan oo ahaa mid loogu baroordiiqayay wariyeyaasha kala Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur iyo Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo labaduba u shaqeyn jiray TV-ga iyo idaacadda Qaranka iyo Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo u shaqeyn jiray Radio Maanta iyo Yaasiin Cali oo ahaa agaasimaha idaacadda VOD ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wariyeyaasha kahowlgala magaalada Nairobi iyadoona sidoo kale uu kasoo qeybgalay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max'ed Cali Ameeriko.
Kulanka ayaa waxa kahadlay saxafiyiin iyo culumaa'udiin kuwaasoo si kulul u cambaareeyay qaraxii ugu danbeeyay ee ka dhacay maqaayadda the Village ee ay dadka badani ku baaba'een, waxaana dadkii goobta ka hadlayay ay dhamaantoodba si isku mid ah u cambaareeyeen dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Max'ed Axmed Ilkacase oo katirsan TV-ga qaranka Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dilka loo geystay wariyeyaashii qaranka, isagoona cambaareeyn dusha uga tuureen kooxihii falkaasi ka danbeeyay, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay go'aan wadajir ah ka qaataan kooxaha kasoo horjeeda jiritaankooda islamarkaasina dilalka u geysanaya.
Sidoo kale Max'ed Gaarane oo goobta hadallo ka jeediyay ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay ehellada, qaraabada iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen suxufiyiintii la laayay wuxuuna si kulul u cambaareeyay dilalka loo geysanayo suxufiyiinta isagoona ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay midoobaan islamarkaasina ay noqdaan dad isku duuban oo ugu yaraan awoodi kara in ay wax u qabtaan caruurta iyo ehellada suxufiyiinta lagu leynayo gudaha dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa laga aqriyay taariikh nololeedka qaar kamid ah suxufiyiintii lagu laayay Muqdisho, waxaana dhamaan dadkii goobta ka hadlay ay si kulul u cambaareeyeen dilalka loo geysanayo suxufiyiinta kahowlgasha gudaha dalka, waxayna ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato ammaanka suxufiiyinta ka howlgasha gudaha dalka.
Ugu danbeyn waxa goobta ka hadlay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Max'ed Cali Ameeriko oo isagu si kulul u cambaareeyay kooxaha bartilmaameedsanaya wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, wuxuuna sidoo kale tacsi u diray ehellada wariyeyaasha lagu dilay Muqdisho.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan dilalka ka dhanka ah wariyeyaasha kahowlgala magaalada Muqdisho ilaa imikana ma muuqato tallaabo cad oo looga hortagayo dhiiga wariyayaasha ee sida xaqdarrada ah loogu daadinayo gudaha dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Kulan loogu Baroor-diiqayay Suxufiyiintii Siyaabaha kala duwan loogu dilay Muqdisho oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
More News
- Wakiilka cusub ee EU u qaabilsan Soomaaliya oo maanta Garoowe soo gaarey lana kulmay madaxda Puntland
- Kooxo Bastoolado ku hubeysan oo Maanta Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay laba wiil oo dhallinyaro ah
- Dhakhaatiir Reer Kuweyt ah oo Hawlo Caafimaad ka billaabi doono Isbitaal ku yaalla Boorama oo si weyn loosoo dhaweeyay
- Tartan Kubadda Cagta oo lagu Maamuusayay Marxuum Inj. Cali Xaaji Shirwac oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Gaalkacyo
- Dagaal culus oo goor-dhawayd ka Qarxay Deegaanka Janaay-Cabdalle oo galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo
- Ergayga Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland
- Al-shabaab oo sheegatay dil Mudane Baarlamaanka ka tirsan loogu geystay Muqdisho, iyagoo u hanjabay Xildhibaannada kale
- Hay'adda Shaqada Adduunka ee ILO oo Mashruuc Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed lagu horumarinayo maanta ka furtay Muqdisho
- Munaasabad lagu taageerayay dowladda Soomaaliya oo Katrineholm ka dhacday
- Howgallo dad badan lagu qab-qabtay oo Ciidamada Ammaanka Dowladdu ay xalay ka sameeyeen Degmooyin ka tirsan Muqdisho
- Ciidamada Midowga Afirka oo sheegay inay isku soo dhiibeen boqolaal dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab
- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar