4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Hay'adda Shaqada Adduunka ee ILO oo Mashruuc Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed lagu horumarinayo maanta ka furtay Muqdisho

Axad, September 23, 2012 (HOL) — Hay'adda shaqada adduunka ee ILO ayaa ka furtay maanta Muqdisho mashruuc lagu horumarinayo ganacsiga haweenka, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adaha bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Mas'uuliyiintii kala duwanaa ee ka hadlay xafladii lagu furayay mashuurca ayaa si isku mid ah u sheegay in haweenka ay dhibaatooyin fara badan soo mareen intii ay dagaalladu dalka ka socdeen, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo caawin lahaa.

"Haweenka Soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan ayay soo mareen, waxaana ka mid ah inay dhowr jeer qaxeen oo uu ka burburay ganacsiga iyo inaysan haysan suuqyo ammaan ah oo ay ku shaqeystaan," ayay tiri Duniyo Maxamed Carshaan oo ah madaxa hay'adda IIDA oo ka shaqeysa horumarinta haweenka.


Sidoo kale, Duniyo, waxay sheegtay inay soo dhaweynayaan barnaamijkan lagu horumarinayo haweenka, iyadoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka shaqeyso sidii haweenka ay ku heli lahaayeen ammaan ayna xoojiyo howlaha ay bulshada u hayaan.

"Madaxweynuhu wuxuu ka yimid bulshada rayidka ah, isagaana sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta bulshada, gaar ahaan haweenka, waana uga fadhinnaa waana kula xisaabtamaynaa middaas," ayay Duniyo hadalkeeda kusoo gabgabeysay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda Soomaaliya, Khaliif C/kariin Maxamed iyo agaasimaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Aweys Sheekh Xaddaad oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid ay aad u soo dhaweynayaan, iyagoo sheegay in haweenka ay u baahan yihiin in la caawiyo.


"Haweenku xaq ayay u leeyihiin inay shaqeystaan, balse waxaa loo baahan yahay in la waafajiyo sharciga, waxaana haweenka ku boorrinaynaa inay sii wadaan kaalintooda lama illaawaanka ah ee ay ku badbaadiyeen dalkan iyo dadkan," ayay yiraahdeen labadan mas'uul ee xukuumadda ka tirsan.

Wasiirrada haweenka iyo arrimaha qoyska Soomaaliya, Maryan Aweys oo xariga ka jartay barnaamijka ayaa waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in hay'adaha caalamku ay dadaal u galaan sidii ay haweenkeenna ku caawin lahaayeen, iyadoo sheegtay in hay'adaha ay kordhiyaan kaalmeynta haweenka oo dhibaatooyin fara badan soo maray muddadii burburku jiray.


"Dadku waxay ka burbureen qalbiga sida dalka uu u burbray, waxaan codsanaynaa in la caawiyo shacabka Soomaaliyed sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen una xoojin lahaayeen howlaha ay bulshada u hayaan," ayay Maryan Aweys tiri.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda lagu jaray toorte ama doolshe lagu qoray mashruuca lagu horumarinayo ganacsiga haweenka, laguna xoojinayo sinnaanta ragga iyo dumar dhinaca shaqada iyo siyaasadda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya