4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Ciidamada Midowga Afirka oo sheegay inay isku soo dhiibeen boqolaal dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab

Axad, September 23, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen shalay oo Sabti ahayd 200 dagaalyahan oo ka tisran Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen inay kasoo tageen degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegtay in dagaalyahannadan ay isku soo dhiibeen ciidamadooda ku sugan deegaanka Garsaale oo 10-km u jira degmada Jowhar, isla markaana Muqdisho kaga beegan dhinaca waqooyi 80-km.

"Dagaalyahannadan waxay isi soo dhiibeen aroornimadii hore ee Sabtidii shalay, waxayna isku soo dhiibeen ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanka Garsaale. Ammnaanka xoogaggaas waxaa la wareegay ciidamada Midowga Afrika," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

AMISOM waxay sheegtay in dagaalyahannadan isku soo dhiibay ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare, iyagoo sheegay inay wateen 80 qori oo kuwa fudud ah, ayna soo goosteen kaddib markii ay go'aansadeen inay ka qaybqaatana howgallada looga horjeedo kooxdii ay ka tirsanaan jireen.

"Maanta waxaa caddaatay in Al-shabaab ay qaybsameen laguna jabiyay dagaallada ka socda dalka oo dhan. Soomaaliya waxay ku taagan tahay socotaa dariiqa nabadda iyo horumarka; dhawaanna waxay ka xoroobaysaa dagaallada iyo argagaxa," ayuu warsaxaafadeedka ku yiri taliye ku xigeenka AMISOM, Br. Michael Ondoga.

Dagaalyahan ka tirsanaa xoogagga soo goostay oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in sababta ay uga soo tageen kooxdii ay ka tirsanaayeen ay tahay kaddib markii ay ku qanci waayeen howshii ay ku jireen; mana bixin faahfaahin intaas ka badan.

"Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan kuwa nabadda doonaya ee ka tagaya argagixinta inay hubka dhigaan. Tiro ka mid ah ayaa lasoo xiriiray AMISOM kuwaas oo u sheegay inay doonayaan inay dagaallada joojiyaan. Waxaana kuwaas inay sugi doonto AMISOM ammaankooda, sida kuwii Garsaale isku soo dhiibay oo kale," ayaa lagu soo gabgabeeyay war-saxaafadeed AMISOM ay soo saartay.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan in dagaalyahanno ka tirsan xoogaggooda ay isku dhiibeen AMISOM, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika oo wata taangiyo dagaal iyo hub fara badan ay ku dhawaadeen degmada Jowhar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya