4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
RA'IISUL WASAARAHA TURKIGA: "Caalamku ma ogaan karo dhibaatada Soomaaliya ka jirta iyagoo aan tegin"


Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay shirkii lagu soo gabgabeeyay Istanbuul ee looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa deggenaashii Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku war-geliyay inaysan ogaan karin xaaladda ka jirta Soomaaliya iyagoo aan tegin.

Shirkan oo ah kii labaad oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Turkiga muddo laba sano gudahood ah ayaa wufuuddii ka qaybgashay waxay ka shegeen inay ka go'an tahay inay caawiyaan Soomaaliya.

"Idigoon Soomaaliya tegin waxba kama ogaan kartaan xaaladda, mana caawin kartid. sidaa daraadeed waxaan beesha calaamka u sheegayaa in xafiisyo wakiillo u noqdo ay ka furtaan Soomaaliya," ayuu Erdogan u sheegay wufuuddii shirka ka qaygalaysay.

"Innagu (Turkiga) dadaal badan ayaan u galnay sii codka Soomaaliya loo maqli lahaa, taasna ma sameyn karo qof aan aan tegin Soomaaliya oo aan dareemin waxa ka jira," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in xaaladda ka jita Soomaaliya ay tahay mid u baahan arag oo dareen, markaas kaddibna ay dunidu ka fulin karaan howlo lagu caawinyo dadka Soomaaliyeed iyo sidii dalkaas uu dhibaatada uga bixi lahaa.

Hay'adaha gargaarka ee caawiya Soomaaliya ayaa waxaa intooda badan ay xafiisyo ku leeyihiin dalka Kenya oo daris la ah Soomaaliya, iyagoo sheegay inay halkaas kala socdaan xaaladda ka jirta gudaha dalka.

Tayyip Erdogan ayaa noqonaya mas'uulkii ugu sarreeyay dunida oo booqda Soomaaliya kaddib sannadkii 1991-kii oo ay burburtay dowladii dhexe, waxaana ku wehliyay booqashadiisii bishii Ogoosto ee sannadkii hore qoyskiisa, xubno ka tirsan wasiirradiisa, ganacsato iyo fannaaniin Turki ah.

Dowladda Turkiga waxay safaaraddeedii ka furatay Muqdisho, waxay sidoo kale ka dhiseen isbitaallo iyo iskuullo, sidoo kale waxay diyaarada Turkish Airlines ay billowday inay Soomaaliya ku tago duulimaadyo caalami ah, iyadoo noqonaysa diyaaraddii ugu horreysay oo caalami ah oo tagta Soomaaliya muddo 20-sano ka badan.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa kula taliyay Qaramada Midoobay inay kordhiso howsha ay ka hayso Soomaaliya, ayna xoojiyo joogitaankeeda. Sidoo kalena wuxuu ugu baaqay dalalka kale ee dunida inay tagaan Soomaaliya oo ay safaaradahoodii dib u furtaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya