3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
Jen. Dhego-badan iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo lagu weeraray inta u dhexeysa Muqdsiho iyo Afgooye

Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) iyo taliyaha ciidamada nabadsugidda DKMG ah. Jen. Khaliif Axmed Ereg ayaa maanta lagu weeraray jidka Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya, waxaana mas'uuliyadda weerarradaas sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Weerarkii koowaad oo ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa lagu qaaday gaadiid uu watay abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, waxaana dagaalku uu socday muddo saacad ka badan.

"Laba askari ayaa iiga dhaawacmay dagaalka, wuxuuna ahaa weerar naf la carar ah," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo wariyeyaal kula hadlay deegaanka Siinka-dheer markii uu dagaalku dhammaaday.

Weerarkii labaad oo isaguna ka dhacay deegaanka Lafoole ayaa waxaa lagu qaaday gaadiid uu watay taliyaha ciidamada nabadsugida DKMG ah ee gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg, lama oga khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la arkayay gaari ay wateen ciidamada nabadsugidda oo goobtaas lagu gubay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Lafoole ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid xooggan, waxaana dadku ay sheegeen in gaarigii la gubay meesha laga jiiday, mana jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda oo dagaalladan ku saabsan.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarradan ay ahaayeen kuwo ay ku beegsanayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo xusay inay ku dileen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Weerarradan ayaa waxay imaanayaa iyadoo Talaadadii lasoo dhaafay ay xoogagga Al-shabaab weerar ku qaadday gaadiid uu watay madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo kasoo laabtay booqasho uu ku tagay degmada Afgooye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











Click here
6/2/2012 9:09 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Madaxda dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka sheegay shirkii Istanbuul II ee kusoo xirmay dalka Turkiga inay gacan ka siinayaan DKMG ah ee Soomaaliya sidii ay ammaan uga dhigi lahayd dalka oo dhan.

6/2/2012 8:37 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Shirkii Isbtanbuul laba ee looga hadlayay sidii ay uga gudbi lahayd Soomaaliya xilliga KMG ah ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo muhiim ah oo tilmaamaya howlaha la doonayo in calaamku ka qabto Soomaaliya.

6/2/2012 7:53 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak iyo wasiirkii arrimaha gudaha Xabiib Cadli ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in kaddib dacwado socday tan iyo markii xukunka laga tuuray Mubaarak.

6/2/2012 7:32 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Ciidamada Booliiska iyo kuwa nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay ammaanka deegaannada loo barkaacay ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay toddobaad ka hor ka qabsadeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talin jiray.

6/2/2012 4:52 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay shirkii lagu soo gabgabeeyay Istanbuul ee looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa deggenaashii Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku war-geliyay inaysan ogaan karin xaaladda ka jirta Soomaaliya iyagoo aan tegin.

6/2/2012 4:34 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhaawacmay kaddib markii xalay ay dadweyne careysan rabshado ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo dadkan ay muddo kooban xireen waddada weyn ee dhexmara degmadaas.

6/2/2012 4:24 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa uga digay wufuuddii ka qaybgashay shirkii looga hadlay mustaqablka Soomaaliya ee labada maalmood ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga in mar kale ay awoodda Soomaaliya la wareegaan dagaal-oogayaashii Soomaaliya.