3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
Madaxda dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM oo sheegay inay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya caawinayaan Xasilinta Dalka

Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Madaxda dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka sheegay shirkii Istanbuul II ee kusoo xirmay dalka Turkiga inay gacan ka siinayaan DKMG ah ee Soomaaliya sidii ay ammaan uga dhigi lahayd dalka oo dhan.

Madaxweynaah dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay shirka ayaa ku sheegay khudbaddiisa ku sheegay inuu rajo-wanaagsan ka qabo in qodobbada ka soo baxay shirka ay dhaqangelin doonaan.

"Waxa Soomaaliya ka dhacaya waa dhibaato aadamnimo, waxaana loo baahan yahay in la helo jid looga baxo taas," ayuu yiri Geelle oo intaas ku daray: "Shirkan waa mid ay kasoo baxeen qodobbo muhiim ah.

Geelle wuxuu ugu dambeyntii sheegay inuu doonayo in hab cad loo sameeyo sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd xaaladda ay ku jirto, isagoo sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu Turkiga ka caawiyo howlaha ay kawaddo Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo isaguna ka hadlay shirka ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo Soomaalida dadaalka ay sameeyeen oo ah inay kaalmooyin badan gaarsiiyeen boqolaal kun oo Soomaali ah.

Yoweri wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu Soomaalida ka caawiyo sidii ay dib ugu soo ceshan lahaayeen deggenaashaha dalkooda, iyadoo dalkiisa ay ka joogaan Soomaaliya kumanaan askari oo qayb ka ah AMISOM.

Madaxweynaha dalka Burundi oo dalkiisu ay ka joogaan Soomaaliya kumaan askari oo ka tirsan AMISOM, Pierre Nkurunziza ayaa shirka ka sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in dowladda KMG ah uu ka caawinyo sidii ay dalkaas ugu soo celin lahayd deggenaasho.

"In Soomaalida la caawiyo waa arrin aad muhiim u ah," ayuu yiri Nkurunziza, isagoo sheegay inay jiraan qodobbo aad muhiim u ah oo kasoo baxay shirka, kuwaasoo ku aaddan in Soomaaliya laga saaro dhibaatada muddada soo jirtay.

Ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga oo isna ka hadlay shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dalalka dunidu ka shaqeeyaan sidii ay Soomaaliya ku heli lahayd daganaasho, isagoo xusay in dalkiisu uu qayb ka qaadan doono howshaas.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Jean Ping oo isaguna ka hadlay shirka ayaa soo dhaweeyay qodobbadii kasoo baxay shirka, isagoo Turkiga ku amaanay inay ka qaybqaateen sidii indhaha caalamka loogu jeedin lahaa Soomaaliya.

Mr. Ping wuxuu amaan u jeediyay ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Erdoğan isagoo ku tilmaamay ma'suul geesi ah oo ay ka go'an tahay in Soomaaliya ay nabad hesho, wuxuuna xusay inay ku taageersan yihiin go'aanadooda ku aaddan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/2/2012 8:37 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Shirkii Isbtanbuul laba ee looga hadlayay sidii ay uga gudbi lahayd Soomaaliya xilliga KMG ah ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo muhiim ah oo tilmaamaya howlaha la doonayo in calaamku ka qabto Soomaaliya.

6/2/2012 7:53 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak iyo wasiirkii arrimaha gudaha Xabiib Cadli ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in kaddib dacwado socday tan iyo markii xukunka laga tuuray Mubaarak.

6/2/2012 7:32 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Ciidamada Booliiska iyo kuwa nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay ammaanka deegaannada loo barkaacay ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay toddobaad ka hor ka qabsadeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talin jiray.

6/2/2012 7:04 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) iyo taliyaha ciidamada nabadsugidda DKMG ah. Jen. Khaliif Axmed Ereg ayaa maanta lagu weeraray jidka Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya, waxaana mas'uuliyadda weerarradaas sheegatay Xarakada Al-shabaab.

6/2/2012 4:52 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay shirkii lagu soo gabgabeeyay Istanbuul ee looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa deggenaashii Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku war-geliyay inaysan ogaan karin xaaladda ka jirta Soomaaliya iyagoo aan tegin.

6/2/2012 4:34 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhaawacmay kaddib markii xalay ay dadweyne careysan rabshado ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo dadkan ay muddo kooban xireen waddada weyn ee dhexmara degmadaas.

6/2/2012 4:24 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa uga digay wufuuddii ka qaybgashay shirkii looga hadlay mustaqablka Soomaaliya ee labada maalmood ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga in mar kale ay awoodda Soomaaliya la wareegaan dagaal-oogayaashii Soomaaliya.