9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Dowladda Soomaaliya oo Hay'adaha Gargaarka ugu baaqday inay Caawiyaan Dadka ku dhibaatysan Jubbada Hoose
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa hay'adaha gargaraka ugu baaqday inay caawiyaan shacabka ku dhibaateysan goboka Jubbada Hoose, kaddib markii ay Kismaayo ku tageen laba maalmood oo booqasho ah.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo xilli ay halkaas kasoo duulayeen ayaa hay'adaha samafalka ugu baaqay inay howlahooda samafalka ah ka billaabaan Kismaayo ayna caawiyaan dadka ku dhibnaateysan gobolka.

"Hay'adaha samafalka waxaan ugu baaqaynaa inay howlahooda samalka dib uga billaabaan degmada Kismaayo ayna caawiyaan shacabka ku dhibaateysan gobolka Jubbada Hoose," ayuu yiri wasiirka oo sheegay in shacabka Kismaayo ku nool ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan hay'adaha samafalka.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in maamulka gobolka ay kala hadleen arrimo ku saabsan sidii loo dhameyn lahaa is-faham-darrada u dhexeysa labada dhinac taasoo uu sheegay in lagu guuleystay.

Guddoomiyaha KMG ah ee maamulka Kismaayo, Sheekh Axmed Madoobe oo isaguna saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay laba casho booasho ku joogaan Kismaayo wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdiga ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo uga mahad-celiyay maamulka Kismaayo sidii wanaagsanayd ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkan gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo oo garabsanaya kuwa Kenya iyo kooxda Raaskambooni oo taabacsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/29/2012 1:22 PM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo khudbad u jeediyay maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: qorshaha dowladda ee Jubbooyinka, xasilinta Muqdisho, wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, wafdiyo ay dowladdu u dirayso gobollada dhexe iyo Puntland iyo mushaaraadka ay qaadanayaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

12/29/2012 11:33 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe waxaa maanta laga sii daayey dhowr qof oo uu kamid yahay nabadoon Yaasiin Cabdisamed, kuwaasoo ay dhowaan ciidamada Boolisku xireen.

12/29/2012 9:17 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaashii uu dhawaan soo magacaabay ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kuwaasoo ka koobnaa 25-xubnood.

12/29/2012 8:15 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ka howgalka dalka ayaa soo bandhigtay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29-ka December adeegga cusub oo Internet kaasoo lagu magacaabo 3G (Third Generation) oo aan horay uga jirin Koonfurta Somalia.

12/29/2012 7:19 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Wararka kasoo baxaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dab xoog leh oo sababay khasaare naf iyo maalba leh uu ka kacay dhul keymo ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Maxaas.

12/29/2012 7:09 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaariyay maanta laba xidhibaan oo cusub, kuwaasoo bedelay xildhibaanno ka mid ahaa baarlamaanka oo iscasilay, iyadoo aan la ogeyn sababta keenta inay iska casilaan kuraastooda.

12/29/2012 7:03 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta xadhiga jaray waddo laami ah oo isku xidhi doonta xaafadda Daami, Sheikh Nuur ilaa suuqa dhexe ee magaaladda Hargeysa. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay saldhig loo dhisayo xaafadda Daami oo ay maalgalinayso shirkadda qurxinta guryaha ee Al Nuur, Waxaana munaasibad balaadhan oo halkaasi lagu qabtay ka soo qaybgalay madax dhaqameedka xaafadaasi, siyaasiyiin, qaybaha kala duwan ee bulshadda ee xaafadaasi iyo madaxda sare ee xukuumaddda. Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay la taliyaha madaxweynaha ee beelaha laga tirada badan yahay Mr:Barkhad jaamac Xirsi, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo yahay madaxweynihii u horeeyey ee soo booqda xaafadaasi, isla markaana laamidani tahay laamidii u horeeyey ee xafadaasi laga hirgaliyo taas oo u ku bogaadiyey madaxweynaha.

12/29/2012 6:12 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa ka digtay khatar caafimaad oo ka dhalan karta xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkasoo aanu ka jirin adeeg caafimaad oo dabooli kara baahida halkaas ka jira, ihyadoo dowladda Kenya ay ku cadaadinayso in ka badan 100,00 oo ah Soomaali ku nool magaalooyinka waaweyn ee Kenya inay tagaan xeryaha qoxootiga.

12/29/2012 5:33 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Kaddib markii ay hay’adda MSF Swiss si kama dambeys ah u joojisa howlihii ay ka waday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waxaa arinta ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan.

12/29/2012 5:31 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa ka dhoofay badmaaxiin u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo muddo 3 sano ku dhow u afduubnaa kooxo ka tirsan Burcad-badeedka Soomaalida.

12/29/2012 1:23 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 18 ruux oo 16-qof oo ka mid ah ay yihiin Soomaali ayaa ku geeriyooday 32-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay ku duntay shamiinto saarnayd gaari si dhuumaaleysi ah loogu waday oo kasoo qaaday deegaan lagu magacaabo Ajdaadiyah kuna socday magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya.

12/29/2012 1:22 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Nabadoon kamid ahaa kuwa ugu caansan Puntland, laguna magacaabi jirey Maxamuud Aadan Dalab (Goobe) ayaa xalay fiidkii lagu diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

12/29/2012 1:19 AM EST
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Dowladda federaalka dalka Nigeria ayaa sheegtay inay heshiis is-afgarad ah oo ay qayb uga noqonayso howl-galka AMISOM la saxiixatay ururka Midowga Afrika, iyadoo Nayjeeriya ay sheegtay in 140 askari oo booliis ah kaga sugan yihiin Muqdisho.