4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo xariga ka jaray Jid laami ah oo laga hirgaliyey Xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa


Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta xadhiga jaray waddo laami ah oo  isku xidhi doonta xaafadda Daami, Sheikh Nuur ilaa suuqa dhexe ee magaaladda Hargeysa. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay saldhig loo dhisayo xaafadda Daami oo ay maalgalinayso shirkadda qurxinta guryaha ee Al Nuur, Waxaana munaasibad balaadhan oo halkaasi lagu qabtay ka soo qaybgalay madax dhaqameedka xaafadaasi, siyaasiyiin, qaybaha kala duwan ee bulshadda ee xaafadaasi iyo madaxda sare ee xukuumaddda. Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay la taliyaha madaxweynaha ee beelaha laga tirada badan yahay Mr:Barkhad jaamac Xirsi, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo yahay madaxweynihii u horeeyey ee soo booqda xaafadaasi, isla markaana laamidani tahay laamidii u horeeyey ee xafadaasi laga hirgaliyo taas oo u ku bogaadiyey madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa kulan la yeeshay dadweynaha ku dhaqan xaafadaasi, waxaana halkaasi hadalo ka soo jeediyey  gudoomiyaha degmadda Gacan Libaax Saleebaan Ibraahim iyo afhayeen guddida
horumarinta degmadad Gacan libaax Maxamed Muuse Habane, kuwaas oo ka waramay mudadii ay hawshan wadeen iyo qaabkii ay dawladda hoose uga wada shaqeeyeen dhamaystirka wadaddan oo ay isla kaashadeen dadka ku nool degmadda Gacan libaax iyo dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne Siillaanyo ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo xaafada Daami, isla markaana wadadan uu xadhiga ka jarayna tahay mid faa’iido badan u leh guud ahaan xaafadda Sheikh Nuur, isagoo madaxweynuhu maayarkii hore ku amaanay hirgalinta wadadan.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiinta dawladda hoose iyo madax dhaqameedka xaafadaasi, kuwaas oo dhamaantoodba soo dhoweeyey wadadan cusub ee laamida ah iyo saldhiga booliska ee halkaasi laga hirgalinayo.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa xalay casuumay saddexda xisbi Qaran ee ku guulaystay inay usoo gudbaan xisbiyo qaran, waxaana halkaasi madaxweynuhu uga mahadnaqay dadaalkii ay sameeyeen iyo shaqaddii iyo tartankii adkaa ee ay ku guulaysteen inay noqdaan saddexda xisbi qaran ee tobanka sanno ee soo socda ka hawlgali doona Somaliland.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland