4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Adeeg Internet oo 3G ah, kaasoo aan horay uga jirin Muqdisho

Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ka howgalka dalka ayaa soo bandhigtay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29-ka December adeegga cusub oo Internet kaasoo lagu magacaabo 3G (Third  Generation) oo aan horay uga jirin Koonfurta Somalia.

Adeeggan cusub ee Internet-ka ah ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka Muqdisho oo aad ugu dhibaateysnaa helitaanka Internet fudud oo gaar ah, waxaana shirkaddu ay sheegtay inay soo bandhigi doonto dhawaan adeegyo kale oo casri ah.

"Hormuud waxay maanta u soo bandhigtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho adeegga Internet ee 3G, waxayna tani qayb ka tahay howlaha ay shirkaddu ugu adeegayso shacabkeeda," ayay mas'uuliyiinta Hormuud ka sheegeen xafladda furitaanka adeeggan.

Mas'uuliyiinta u hadlay shirkadda Hormuud ayaa hadalkooda ku daray inay shirkaddu mar walbha ku dadaali doonto qancinta macaamiisheeda iyo la socodka horumarka  Technology-da caalamka, kuwaasoo uu qayb ka yahay adeegga 3G.


"Adeeggan cusub wuxuu macaamiisha u sahlayaa inay helaan Internet ku filan,   maqal iyo muuqaal (Video Conference) kaasoo ardayda jaamacaduhu ay uga faa'iideysan karaan adeegga waxbarashada, iyagoo macalimiin ku sugan caalamka daafihiisa ku xiraya ardayda ku sugan dalka gudihiisa," ayaa lagu yiri war loogu talo-galay ay soo saartay shirkadda Hormuud.

Shirkadda Hormuud ayaa waxay horay u soo bandhigtay adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: E-Voucher, EVC Plus, GPRS Internet iyo adeegga Dalmar  oo dhamaantood u sahlaya shacabka Soomaaliyeed inay si wanaagsan uga faa'iideystaan isgaarsiinta casriga ah.

Ugu dambeyn, shirkadda Hormuud waxay u ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan macaamiisheeda inay mar walba u sahaminayso adeegyo hufan oo ay ku raaxaystaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya