4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 1 , 2012
Xaaladda Afmadow oo maanta deggan iyo Isgaarsiinta oo hawada ka maqan

Jimco, June 01, 2012(HOL): Waxaa maanta xaaladda deganaan ah laga dareemayaa magaalada Afmadow oo ay shalay la wareegeen ciidmaada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya, kadib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab oo iyagu in mudo ah gacanta ku hayay degmadaasi.

Wararka aynu ka heleyno Afmadow ayaa sheegaya in xaaladda ay maanta tahay mid dagan, iyadoona ay gabi ahaanba furanyihiin dhaqdhaqaaqii bulshada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo weliba isu socodka dadweeynaha.

Inkastoo xaaladda degmada ay maanta tahay mid dagan ayaa hadana waxaa gabi ahaanba hawada ka maqan isgaarsiintii, oo ay shalay jareen xoogagga isbaheysiga ah ee shalay qabsaday magaalada.

Sidoo kale wararka aynu ka heleyno Afmadow ayaa sheegaya in magaalada ay ka socdaan howlgallo baaritaanno ay oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni, waxaana howlgalladaasi ay ciidamadu kusooqabqabteen dhalinyaro fara badan oo lagu eedeeyay in ay la shaqeyn jireen maamulkii Al-shabaab ee ka arimin jiray degmada Afmadow.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Max'ed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka soconaya Jubooyinka, isagoona intaa ku daray in hadafkooda uu yahay in ay gacanta ku dhigaan degmooyinka harsan ee gobollada Jubooyinka sida Bu'aale, Jilib, Jamaame iyo Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya