3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 1 , 2012
Ciidamado ka socda Dalka Jabuuti oo maanta gaaray magaalada Beledweyne


Jimco,  Jun, 01, 2012 (HOL) – Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne cutubkii ugu horeeyay ciidamo ka soda dowladda Jabuuti kuwaasoo qeyb ka noqon doona howlgalka midowgga Africa ‘’AMISOM’’ ee dalka Soomaliya.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay ciidamada mas’uuliyiinta maamulka gobollka uu horkacayay guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax, saraakiisha ciidamada Itoobiya, odayaal dhaqameed iyo waliba waxgarad ka socda qeybaha kal duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax ayaa markii ay soo degeen ciidamada mid mid u gacan qaaday, sidoo kalana waxaa halkaa ciidamada ku soo dhaweeyay oo gacan qaaday odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan.


Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa siweyn u hadal haya imaashaha ciidamada dalka Jabuuti oo aragtiyo kala duwan laga bixinayo, waxaana muuqata in dadka intiisa badan ay siweyn u soo dhaweynayaan ciidamada Jabuuti oo ay leeyihiin waa kuwo ugu yaraan aan isku fahmi karno dhinaca luuqadda.

Saraakiisha midowgga Africa ayaa horay u sheegay in magaalada Beledweyne ka mid tahay goobaha lagu balaarinayo howlgalka midowgga Africa, iyadoo lagu wado in ciidamada dalka Jabuuti ay kala wareegaan nabad-galyada magaalada ciidamada dowladda Itoobiya ee gacanta siinaya kuwa maamulka gobollka Hiiraan.







C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.













Click here
6/1/2012 8:02 AM EST
Jimco, June 01, 2012(HOL): Waxaa maanta xaaladda deganaan ah laga dareemayaa magaalada Afmadow oo ay shalay la wareegeen ciidmaada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya, kadib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab oo iyagu in mudo ah gacanta ku hayay degmadaasi.

6/1/2012 7:59 AM EST
Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka taliya qaybo kamid ah deegaannada gobollada dhexe ayaa kasoo horjeestay shirka dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka uga soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

6/1/2012 5:18 AM EST
Jimco, June 01, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in qabsashadii degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ay ku timid isbaysi uu sheegay inay ku doonayaan dalalka masiixiyiinta ah inay ku qabsadaan dhulka muslimiinta.

6/1/2012 5:09 AM EST
Jimco, June 01, 2012 (HOL) — D ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa laug wadaa inay maalinta berri ah uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay uga hadli doonaan wejiga labaad ee howgalka ay Soomaaliya ka wadaan.

6/1/2012 4:55 AM EST
Jimco, June 01, 2012 (HOL) — Shirka Soomaalida ee dalka Turkiga ka socda oo maanta galay maalintiisii labaad ayaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadda iyadoo lagu soo qaadi doono Roadmap-ka, waxaana shirka isaga baxay ergadii ka socotay Somaliland.