4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 1 , 2012
Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay in qabsashadii Afgooye ay qayb ka tahay Duulaan lagu soo qaaday Soomaaliya

Jimco, June 01, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in qabsashadii degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ay ku timid isbaysi uu sheegay inay ku doonayaan dalalka masiixiyiinta ah inay ku qabsadaan dhulka muslimiinta.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ciidamada AMISOM wixii awood ay hayeen ay isugu geeyeen wax ka yar 10-KM, isla markaana ay ku qabsadeen muddo hal todobaad ah, taasoo uu ku sheegay inay muujinayso awood yaridooda.

"Haddii Soomaaliya loo bar-bar dhigo waqtiga ay ciidamada AMISOM ku qabsadeen Afgooye waxay la micno noqonaysaa in wixii gaal ahaa ay Soomaaliya kusoo duuleen," ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in Al-shabaab ay dagaal kula jirto ciidammo Afrikaan ah, Yuhuud iyo NATO, isagoo dagaalkan ku sheegay mid ay dalalka aan islaamka ahayn isugu keeneen awooddooda sidii ay Soomaaliya u qabsan lahaayeen.

"Dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Soomaaliya waxay ka mid yihiin duullaano muddo boqolaal sano ay gaaladu maleegayeen sidii ay Soomaaliya ku qabsan lahaayeen, weerarkan wuxuu ahaa mid lagu doonayo in lagu dumiyo in la isku maamulo diinta Islaamka, hadafkaasna waa fashilmay," ayuu sii Sheekh Cali Dheere.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in magaalooyinka ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Kenya ay kala wareegeen Al-shabaab inaysan isaga gudbi karin, isagoo xusay in ay mar walba ku qaadaan weerarro gaadmo ah oo jidadka ay u galaan si ay u tusaan inaysan guuleysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya