Isniin, Abriil 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa uga digay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM inay xiriir dhinaca jinsiga ah la yeeshaan haweenka Soomaalida, taasoo uu ku tilmaamay inay khatar ku keeni karto howlaha nabad ilaalineed ee ay ka hayaan Soomaaliya.
Museveni ayaa maalintii Jimcaha ahayd ka sheegay xerada Singo oo xilligaas ay ku sugnaayeen 1,700 askari oo loo diyaariyay in loosoo qaado Soomaaliya si ay howlgalka AMISOM uga qaybqaataan.
"Xiriir jinsi oo aad la sameysaan haweenka Soomaalida waxay khatar ku keeni kartaa howlgalka nabad ilaalineed ee ka socda Somalia," ayuu Museveni u sheegay ciidamadii uu la hadlayay.
Ciidamadan ayaa loo diyaariyay sidii ay u xoojin lahaayeen AMISOM si loogu guuleysto howlgalka looga horjeeda Al-shabaab ee ka socda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Uganda wuxuu ugu baaqay ciidamada dalkiisa inay noqdaan kuwo daacad ah howsha ay ka hayaan Soomaaliya. Isagoo ugu baaqay ciidamadiisa yo taliyeyaashooda inay ilaaliyaan shuruucda iyo asluubta ciidamada.
Askari ka tirsan ciidamada dalka Uganda ayaa horay xiriir dhinaca jinsiga ah ula yeeshay haweeney Soomaaliyeed, kaasoo la xiray laguna eedeeyay inuu ka baxay sharci u degenaa ciidamada UPDF.
Ciidamadii Uganda ee ka howlgalay dalka Jamhuuriyadda Congo sannadihii 1998-kii illaa 2001 ayaa waxay xiriirro dhinaca jinsiga ah la yeesheen haweenka dalkaas u dhashay, taasoo keentay in caruur badan ay ku dhashaan, kuwaasoo qaarkood ay ciidamadu ula laabteen dalkooda Uganda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya