Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Xarakada Al-shabaab ay billowday inay u soo guurto deegaannada Puntlnad


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud (Faroole)


Isniin, Abriil 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay billowday inay u soo guurto Puntland kaddib cadaadisyo milaterig oo ay kala kulantay AMISOM.

Mr. Faroole ayaa hadalkan ka sheegay xaflad waxbarasho oo uu kaga qaybgalay magaalada Garoowe oo 1,000 km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho, isagoo hoosta ka xariiqay in kooxdan ay saldhigyo ka sameysanayso buuraleyda Golis si ay ugu fududaato inay uga sii gudbaan Gacanka Cadan.

"Natiijadii ka dhalatay cadaadiska milateri ee la saaray Al-shabaab waxay noqotay inay u soo guuraan buuraleyda Golis," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo intaas ku daray in Puntland ay ka hortagayso khatar walba oo kooxaha argagaxisada ah kasoo wajahda.

Inkastoo aysan Xarakada Al-shabaab ka hadlin arintan, ayaa hadana waxaa horay Puntland ugu sugnaa koox uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ku dhawaaqday dhawaan inay ku biirtay Al-shabaab oo iyaduna horay ula midowday Al-Qaacida.

Sidoo kale, madaxweyne Faroole ayaa sheegay in tallaabada ay Al-shabaab ugu soo guurayso Puntland ay kusoo beegmayso iyadoo Puntland ay doonayso inay sameysato dastuur rasmi ah, si ay ugu suurogasho inay dowladda ula guurto xilliga dowladda joogtada ah la sameeyo.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in kooxda Al-shabaab ay ku qarinayaan deegaannadooda kooxo kale oo ay xiriir leeyiin, balse iyaga ay ka go'an tahay inay ka hortagaan kooxahaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya