
Isniin, Abriil 09, 2012 (HOL) — Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya waxaana muddo ka badan 20-sano ay xudun u ahayd dagaal iyo colaad wajiyo badan oo wadanka dhacday, dagaaladaasi oo ilaa haatan aan dhammaan waxaa ay sababeen dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur guud oo ku yimid wadanka gaar ahaanna caasimadda.
Magaalada wixii ka dambeeyey markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa ay soo martay maamulo fara-badan, mana yeelan hal maamul oo si siman gacanta ugu haya guud ahaan degmooyinka ay ka kooban tahay, marka laga reebo mudo lix bilood ah ay qabsadeen maxkamadihii Islaamka. Bishii Agoosto ee sanadkaan ayaa waxaa magaalada laga saaray kooxda Al Shabaab oo degmooyin badan oo ka mid ah ka talinasay, waxaana guud ahaan gacan ku haynteeda la wareegtay dowladda KMG ah ee Sooomaaliya.
Wixii xiligaasi ka dambeeyey muqdisho waxaa ka soo muuqanayey ififaale nabadeed iyo xoogaa horumar ah, waxaana isku furmay degmooyinkeedi oo kala xirnaa tobanaan sano, dadkeeduna ay kala go’doonsanaayeen, waxaana dadku si tartiib tartiib ah ay dib ugu bilaabeen noloshoodi caadiga ahayd.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa marka laga yimaado sugida amaanka waxaa ay bilowday qorsheyaal dib loogu dhisayo laguna soo celinayo bilicdii Muqdisho oo burbursaneyd mudo ka badan 20 sano, waxaana si ay arintaasi gacan uga geystaan dowladdu dadka Soomaalida ah ee qurbaha ku nool iyo ganacsatadaba ay ugu baaqday in wadanka ay dib ugu soo laabtaan maal-gashina ku sameeyaan caasimadda.


Madaxda maamulka gobolka gobolka banaadir, ayaa waxaa ay socdaalo dhiiralin iyo dalabba isugu jira ku kala bixiyeen wadamada dibada gaar ahaan Yurub iyo waqooyiga Amerika, halkaasi oo ay ku dhaqan yihiin qurba joogta Soomaaaliyeed ee ugu badan.
Cali Axmed Guure, waa gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir, waxaa uu haatan ku sugan yahay dalka Mareykanka gaar ahaana Minnesota oo ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu tira badan ee ku nool Mareykanka, isagoo Muqdisho u baadi goobaya maal-galin. Cali ayaa kadib markii ay dhammaatay munaasibad ay u sameeyeen jaaliyada Soomaalida waxaa uu ii sheegay in maamulkiisu uu wado qorshe lagu soo celinayo bilicdii Muqdisho dibna loogu dhisayo, kaasi oo loogu magacdaray (wax ku darso muqdisho), taasina ay xiligaan keentay in loo baahdo maalka iyo maskaxda qurbe-joogta.
"Muqdisho, waa caasimaddii Soomaaliya waana astaantii qaranka, waa ay burburtay guud ahaan mana ahan howl uu fulinkaro oo kaliya maamulka gobolka Banaadir, hase ahaatee waxaa loo baahan yahay in ay dhisaan ummada Soomaaliyeed oo ay maalkooda dib u galiyaan," ayuu yiri Cali Axmed Guure.
Cali Axmed Guure, waxaa uu intaasi ku daray in qorbe-joogta looga baahan yahay dhowr waxyaabood oo ay ka mid tahay in ay wacyi-galin u sameeyaan dadka gudaha ku dhaqan oo mudo dheer ku dhex jiray dhibaato iyo foodo waqtigeedu dheeraaday, iyo sidoo kale in ay wadanka maal-galiyaan.
"Waxaan ka codsanay in ay gacan ka geystaan dib-u-dhiska iyo sidii looga bixi lahaa dhibaatada wadankeena ja jirta, waana ay bilaabeen arintaasi xili hore, waxaana tusaale u soo qaadan karaa jaaliyada ku dhaqan dalka Ingiriiska oo sameeyey mashaariic kala duwan sida in ay dhisayaan mid ka mid ah jidadka Muqdisho, sidoo kalana waxaa ay na siiyeen gaadiid kala duwan oo isugu jira Ambalaasyo iyo dab-misyo," ayuu yiri Cali Axmed Guure, isagoo intaasi raaciyey, " Reer Minnesota waxaan uga baahan-nahay sidaasi oo kale in ay naga qaataan mashruuc ay iyagu dhaqaalihiisa bixiyaan, gacantoodana ku maamulaan."
Intii ay socotay munaasibada loo sameeyey gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir, Cali Axmed Guure, ayaa dadkii u hadlay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeyb-qaadashada dib u dhiska Muqdisho iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira, iyagoo goobta kaga dhawaaqay balan-qaad ah in ay maal-galin doonaan hal iskuul oo waxbarasho, kaasi oo laga dhisi-doono magaalada Muqdisho.
"Haddii aan nahay dadka reer Minnesota waxaan qaadanayn hal iskuul in aan ka dhisno Muqdisho," sidaasi waxaa goobtu munaasibadu ka socotay kaga dhawaaqay Shiikh Xasan Jaamici oo ka mid ah aqoonyahada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota.
"Ma hagaajinaa, mana dhisanaa magaaladeena Muqdisho, waxaana leeyahay ha la garab istaago dadka Muqdisho oo diyaar u ah in ay ka baxaan mugdigii 20-kii sano ee la soo dhaafay soo maray, waxaana loo baahan yahay in ay Muqdisho noqoto meel loo soo dal xiis tago," sidaasi waxaa isna yiri Qareen Cabdi-waaxid aqoonyahanada Soomaalida ah ee ku dhaqan Minnesota.
Qorbe-joog badan oo ka tagay wadamada dibada ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib markii laga saaray Al Shabaab, waxaana ay gudaha muqdisho ka sameeyeen wax yaabo fara badan oo ay ka mid yihiin in wacyi-galin loo sameeyo dadka, si maskaxdooda looga dhaqo dhibaatada colaadu ku reebtay iyo waliba in wax la baro kuwa danyarta ah sida barakacayaasha mashaariicna loo sameeyo si ay uga faa’ideystaan, qaarkood waxaay gudaha wadanka geeyeen deeqo ay ka aruuriyeen saaxibadooda wadamada ay ku nool yihiin.
"Muqdisho magaalo madaxdeena muruqeeniyo xooggeeniyo iyo maskaxdeena isku geeya, magaaladeena qurxiya sidii muraadyad oo kale ka dhiga."
Maxamed Faarax Talyaani
[email protected]
Minneapolis,Minnesota