Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo baaq ka jeediyay shirkii Roma ee ay qabatay Hay'adda FAO (SAWIRRO)


Talaado, July 26, 2011 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka DKMG ah ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim ayaa ka qaybgalay shirkii ka dhacay Rooma ee dhaqaalaha loogu ururinayay dalalka Bariga Afrika, isagoo ka dalbaday dalalkii shirkaas ka qaybgalay inay gargaar deg-deg ah la gaaraan shacabka Soomaaliyeed.

Somalia's Vice Prime Minister Mohamed Ibrahim speaks during emergency talks on the crisis at the United Nations Food and Agriculture Organization (FAO) on July 25, 2011 in Rome. The UN urged a 'massive' effort to save millions of people in the...Shirkan oo ka dhacay xarunta hay'adda beeraha iyo cunnada ee Qarammada Midoobay FAO ay ku leedahay xarunta dalka Talyaaniga, waxaana kulankaas ka qaygbalay waddamada qaniga ah iyo kuwo kale oo ka tirsan FAO.

"Dalka Soomaaliya waxaa ka jirta xaalad bani'aadamnimo oo aad u daran, waxaan u baahannahay in gacan laga geysto sidii dadka lagu badbaadin lahaa," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa wasiirradii uu dhawaan ku dhawaaqay ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali, wuxuuna hadal wasiirku shirkaas ka jeediyay ku sheegtay in looga baahan yahay beesha caalamka inay si dhaqso badan ugu gurmato shacabka Soomaaliyeed.

"Qiyaastii 3.5-milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay dhibtaan. goobaha ugu daran ee ay abaaruhu ku dhufteenna waa goobaha ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab," ayu yiri Maxamed Ibraahim.

Agaasimaha ha'yadda WFP ayaa kulanka ka sheegtay inay bilaabayaan maanta oo Talaado ah inay gargaar ku geeyaan Muqdisho diyaarado, si loo badbaadiyo dadka u dhimanaya abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Kulanka oo shalay keliya socday ayaa waxaa dalalkii ka qaybgalay waxay ballanqaadeen inay bixinayaan dhaqaale lagula dagaalmo abaaraha ku dhuftay dalalka Bariga Afirka, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo laba gobol oo ka mid ah la sheegay inay ka jirto macluul.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya