Danjire Cali Ameerika oo Ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad celiyey Gar gaarka ay Sameeyeen

Talaado, July 26, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali nuur Ameerika oo  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa safaaradda Nairobi ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada Nairobi uga mahadceliyay sida ay walaalhooda abaartu saameysay ugu gargaareen.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali-nuur (Ameerika)

Safiirka ayaa mahadcelinta ku daray codsi uu u jeediyay hay’adaha gargaarka,ganacsatada iyo cid walba oo awooda in ay badbaadiso dadka Soomaaliyeed. waxa uuna sheegay in ay socdaan dadaallo dhinacyo badan oo ay soomaalida qurba joogta ah deeqo isaga uruurinayaan, ayadoo safaaraduna ay fududeyneyso.

Danjiruhu waxa uu ka warbixiyay xaaladda barakacayaasha magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay ku jiraan xaalad aad u adag maadaama ay dhamaan dadku isugu soo uruureen degmooyiga ay Dowlada KMG maamusho ee magaalada Muqdisho sidaa darteedna ay dadku u baahanyihiin gargaaar fara badan.

Safiirka oo ka hadlayay cabasho is daba jog ah oo maalmahaanba ka soo yeereysay dowladda Kenya ee ku aadanayd qaxootiga dalkeeda ku soo qulqulayo ayuu  sheegay in ay wanaagsantahay in hay’adaha gargaarku ay gudaha dalka  gaaraan si loo xakameeyo barakaca dowlada Kenyana ay ku mahadsantahay sida ay u marti gelisay tirada intaan le,eg ee qaxooti.

Mar uu ka hadlayay kaalinta kaga aadan safaaradda marka la fiiriyo qaxootiga soomaaliyeed ee Kenya ku sugan ayuu sheegay in ay safaaradu wado dhaq-dhaqaaqyo  ku aaddan wacyi gelinta dadka wax heysta si ay u badbaadiyaan walaalahooda tabaaleysan.

Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya