Talaado, July 26, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay is-gargaaraan intii ay sugi lahaayeen beesha caalamka.
Mudane Farmaajo oo ku sugan dalka Britain ayaa xaaladda abaareed ee dalka ka taagan ku tilmaamay mid naxdin leh, isagoo ku eedeeyay beesha caalamku inay ka gaabiyeen inay gargaar deg-deg ah la gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee dhibku ku dhacay.
"Dhibaato xooggan ayaa dalka ka jirta - waxaana loo baahan yahay in shacabku ay iyagu isku kaalmeeyaan, waayo hay'adaha caalamku waxay ku marmarsiyoonayaan inaysan jirin nabad gargaar lagu gaarsiin karo goobaha ay ka taliso Al-shabaab," ayuu yiri Maxamed Farmaajo. Isagoo sheegay in Muqdisho oo kaliya ay ku sugan yihiin nus-malyuun qof oo gargaar deg-deg ah u baahan.
Ra'iisul wasaarihii hore oo heshiiskii Kampala awgiis xilka uga tagay ayaa inta badan ka hadla xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay bedelaan qaabka ay kula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed.
Baaqa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid noqonayo baaqyo isdaba-joog ah oo ka imaanaya Soomaalida dunida ku firirsan iyo kuwa gudaha dalka ku sugan, iyadoo xaaladaha abaareed ee ka jira Soomaaliya ay noqdeen kuwo indha caalamka soo jiita.
Mudane Farmaajo ayaa dhawaan ku eedeeyay beesha caalamka inaysan raalli ka ahayn dowlad ka dhata Soomaalia, sidaa daraadeedna looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan xukuumadda KMG ah ee cusub si ay u soo celiso ammaanka guud ee dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya