Hay'ad Turkish ah oo sheegtay inay billowday mashruuc cusub oo lagu kaalmeynayo Qoysaska Soomaaliyeed

Turkish Charity
Khamiis, December 15, 2011 (HOL) − Hay'adda samofalka Yardim Eli oo Turki ah ayaa sheegtay inay billowday mashruuc cusub oo loogu magac-daray "Walaaleynta Qoysaska" kaasoo lagu caawinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatada badan soo maray.

Madaxa hay'addan, Mehmet Citil ayaa sheegay in qoysaska Soomaaliyeed ee aan heli karin nolol maalmeedkooda ay la walaaleynayan qoys kale oo Turki ah kuwaas oo bixin doona dhaqaalaha uu qoyska Soomaaliyeed ku noolaan lahaa bishii.

"Mashruucan waa mid lagu caawinayo dadka Soomaliyeed," ayuu yiri Mehmet Citil oo intaas ku daray: "Mashruucan waxaan horay uga soo fulinnay dalal badan oo ay ka mid yihiin: Falastiin, Bakistaan, Suudaan, Itoobiya, Azerbajan, Kazakhistan, Suuriya iyo Lubnaan."

Sidoo kale, Mehmet Citil wuxuu sheegay in qoyska Turkiga ah uu bishiiba siinayo qoyska Soomaaliyeed ee lala walaaleeyay 100-liire oo lacagta Turkiga ah oo u dhiaganta 53-dollarka Mareykanka ah, isagoo intaa ku daray in loosoo raacin doono raashinkii ay bisha cuni lahaayeen.

"Qoysaska dalka Turkigu waxay muujiyeen inay mashruucan soo dhaweynayaan oo ay aad u xiisaeynayaan," ayuu madaxa hay'adda Yardim Eli u sheegay warbaahinta dalka Turkiga qaarkood.

Soomaaliya waxaa ku dhufatay abaartii ugu xumayd muddo 60-sanadood ah, iyadoo dowladda Turkiga ay ka mid tahay dowladaha u soo gurmaday Soomaaliya si ay gacan u siiyaan dadka ay abaaruhu kasoo barakiciyeen deegaannadoodii.

Hay'adaha samofalka oo Turki ah ayaa waxay caawiyaan Soomaalida qoxootiga ku ah dalalka Itoobiya iyo Kenya kuwaasoo deegaannadoodii uga cararay colaadaha iyo abaaraha isbiirsaday ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News